​Puntland oo ka hadashay shaqaaqo ka dhacday Laascaano [Dhagayso]

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo la hadlayay TV-ga dowladda, ayaa ka warbixiyay shaqaaqo maanta ka dhacday magalada Laascaano xarunta gobolka Sool, taasi oo la sheegay in lagu laayay dad shacab ah.

Soocadde, ayaa tilmaamay in arrintaasi ka xunyihiin islamarkaana aysan u dul-qaadan karin dhibaatada lagu hayo shacabka gobolkaasi, isagoo eedayn usoo jeediyay maamulka Somaliland oo ku dhaliilay inay tacadiyo aan xad lahay kula kaco shacab ka shaqaynaya hormarka degaankooda.

Wuxuu intaasi ku daray inaysan Puntland dulqaadkii ka dhammaaday islamarkaana tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan, isagoo carrabka ku dhuftay inay kasoo dhammaatay dulqaad muddo dheer oo gobolka xaaladdiisa ku saabsanayd.

Wasiirka ayaa beesha caalamka u sheegay in tallaabadaasi wixii kasoo baxa mas'uuliyadeeda qaadan doonto maamulka Somaliland, isagoo shacabka deegaanka ugu baaqay inay u istaagaan difaaca ciidooda islamarkaana ka fogaadaan waxyaabaha kala qaybinaya iyo mabaadi'da ay kala aaminsanyihiin.

Rabshaddan ayaa ka dhalatay xuska 18 May, 25 sano guuradii kasoo wareegtay gooni goosadka Somaliland, waxaana magalada Laascaano isugu soo baxay labo garab oo qayb taageersantahay iyo kuwo kasoo horjeeda, taasi oo markii dambe isu badashay in ciidamo soo galaan islamarkaana rasaas ku furaan shacabkii diidanaa xuska Somaliland.

Dhawr qof ayaa dhaawacyo soo gaareen qof kale waxaa la sheegay inuu dhintay.

Arrintan, ayaa kusoo aadaysa xilli gobolka Sool ka taagnaa muran ku salaysan lahaansha labada maamulka [Puntland iyo Somaliland], waxaana gobolka Sool qaybo kamid ah gacanta ku hayay maamulka Somalilnad.

Madaxweyne Gaas, ayaa olalihiisii doorasho 2014, wuxuu ku ballanqaaday inuu soo celin deegaanada ka maqan Puntland taasi oo dhawr jeer wax laga weydiiyay,

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM