Puntland oo ka arinsaneysa khilaafka mas'uuliyiinta DFS

Image

October 26, 2014 (GO)- Tan iyo galabta aqalka madaxtooyadda Puntland ee Garowe waxaa ka socday shir looga hadlayo khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka Somalia.

Shirkan ayaa u dhaxeeya madaxwayne ku xigeenka Puntland iyo gollaha wasiiradda sida wararku kusoo gaarayaana GO waxaa lagu soo bandhigayaa aragtida ay ka qabaan muranka iyo khilaafka ka aloosan Villa Somalia kaasoo u dhaxeeya Cabdiwali Shiikh Axmed Wasiirka koowaad ee dalka iyo madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud.

Warbaahinta ayaa lagu wargaliyay caawa inay yimaadaan xarunta madaxtooyada halkaasoo shir jaraa'id lagu qabanayo.

Wararka kale ee soo baxaya ayaa sheegaya inuu cirka isku shareeray khilaafka Cabdiwali iyo Xasan u dhaxeeya kaasoo sii kiciyay ka dib markuu shalay isku shaadheyn sameeyay Ra'iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh.

Puntland iyo Dowladda Federaalka ayaa hagaagay khilaafkii u dhaxeeyay ka dib markii Garowe lagu saxiixay heshiis 12 qodob ka kooban oo labada dhinac isku afgarteen.

Wixii kusoo kordha kala soco wararka danbe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM