Puntland oo ku 21-sano jirsatay guulo iyo adkeynta midnimada dalka

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Maamulka ugu da’da weyn waddanka Soomaaliya, halkii uu kasoo bilowday nidaamka federaalka ee tis-qaaday iyo hooyadda federaalka Soomaaliya, Puntland, waa ay 21-sano jirsatay.

Munaasabadaha lagu maamuusayo maalintan oo soo bilaabatay sanad kadib markii la la yag-leelay, 1-dii August 1998-dii, ayaa la filayaa in ay ka qabsooman magaalooyinka waa weyn iyadda oo amniga la adkeeyay.

Meelaha xafladaha ay ka qabsoomayan ayaa waxaa kamid ah Garowe, magaala madaxda, halkaasi oo ay gaadi-ka-cayaar kusoo bandhigi doonan cutubyo kamid ah Ciidamada Qalabka Sida.

Marti sharaf kala duwan oo ka kala socda dowladaha federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa kasoo muuqan doonan munaasabadda, iyaga oo halkaasi ka jeedinaya khudbado.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo madasha ka hadli doona madasha ayaa la rajeynayaa in uu soo qaado taariikhda Puntland, wixii u qabsoomay 21-sano oo ay jirtay iyo horumarka ay dalka kusoo kordhisay.

Marka dib loogu laabto sooyaalka, dhismaha maamulkan waxay ka dambeysay markii ay fashil kusoo idlaadeen shirar magaalooyin kala duwan ka dhacay oo looga hadlay dowladnimada Soomaaliya kadib burburkii 1991-dii.

Guulaha waaweyn ee mudadii ay jirtay Puntland gaartay ayaa waxaa kamid ah; bisayl dhanka siyaasadda ah, nabad-gelyo, horumarinta dadkeeda iyo degaanka si lamid ah adkeynta midnimadda Soomaaliya.

Sagaal madaxweyne oo laba ku meel gaar ah iyo mid sii haya uu ahaa ayaa soo maray Madaxtooyadda Puntland, taasi oo macnaheedu tahay in maamulkan yeeshay lix hogaamiye oo rasmi ah.

Si lamid ah Puntland oo door weyn ay ku lahayd dhismaha dowladnimadda Soomaaliya ayaa waxay xoog badan gelisay in Muqdisho ay ku shaqeyso dowlad Soomaaliyeed.

Bisaylka dhanka hogaanka Puntland ay gaartay ayaa waxay tahay in madaxweyneyaasha ay xilalka isaga kala wareejiyeen si nabad-gelyo ah markii uu idlaatay mudada xil-hayntooda markii ay qabteen doorasho.

"21-sano oo ay Puntland jirtay waxay ka shaqeysay in dalka la mideeyo lana adkeeyo midnimada Soomaaliya, hirgelinta nidaamka federaalka iyo dadkeeda ay horumar gaar-siiso," ayuu yiri Deni.

Inkasta oo ay jiraan guulahaasi iyo kuwa kale oo ka balaaran, haddana waxaa jira caqabado iyo arrimo la sheegay in laga gaabiyey ayna kamid tahay taabagelinta nidaamka dimoqraadiyadda oo muddo lagu taahayey.

Dowladii uu marajaha u hayey madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole waxay isku dayday in laga gudbo nidaamka qeybsiga Beelaha, balse siyaasiyiin dano gaar ah leh ayaa ka hor-yimid in loo talaabo doorasho qof iyo cod ah.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni ayaa wacad ku martay in ay hirgelinta doonto nidaamka dimoqraadiyadda, si shacabka u soo doortan hogaanka u qalma in uu majaraha u hayo.

"Dimoqraadiyadda waxay noo tahay ahmiyadda ugu sareysa," ayuu Deni ka yiri Kulan-dadweyne oo uu habeenimadii Talaadada uu kaga qayb-galay magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Guddigii doorashada ayaa dhowaan is-casilay, waxaana Deni iyo xeer-dejinta laga dhowr-sugayaa in ay soo dhisaan guddi cusub oo ka aqoon ahaan iyo karti ahaan gaarsiin kara Puntland coddeyn qof iyo cod.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM