Shaqaalaha iyo ciidanka Puntland oo mushaharka loo kordhinayo

Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in bilooyinka soo aadan mushahar kordhin loo sameyn doono shaqaalaha dowladda iyo ciidamadda.

Talaabadan ayaa hirgeli doonta lana qaadi doonaa marka ay soo idlaato dib u habeynta ku socota dhinacyadda, sida uu shaaciyey Xasan Shire Abgaal, wasiirka wasaaradda.

Hadalkan ayuu wasiirku ka dhawaajiyey xili uuu sharaxaad dheeri ah ka bixinayey Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka taasoo Wasiiradda ansixiyeen loona gudbiyey Golaha Wakiilada Puntland.

Miisaaniyadda oo ah tii ugu badneyd taariikhda maamulkan waa ku dhowaad 350-kun oo Doollar, waxaana lagu daray deeqaha la filayo in ay gudaha iyo dibadda ka soo xaroodaan.

Shire oo xusay in Miisaaniyadda lacago loogu kordhiyey horumarinta gobolada, dayactirka jidadka iyo dimoqraadiyeynta ayaa tibaaxay in xisaabata lagu daray howladeenadda dowladda iyo ciidanka.

"Hadii reform-kaa [dib u habeynta] shaqaalaha dowladda uu dhameystirmo, waxaa bilaabmaya in mushaharka shaqaalaha dowladda la kordhiyo," ayuu ku yiri Wasiirka muuqaal ay baahisay Wasaaradda.

Dib u habeynta ciidamadda iyo shaqaalaha dowladda ayaa ku saabsan in ay maraan nidaamka diiwaangelinta casriga ah, taas oo sahleysa in uu meesha ka baxo musuqmaasuqa iyo wax is-dabamarinta.

"Waxaad la socotaan in dib u habeyntii ciidamada ay socoto oo xerada Xorgoble, Qardho ay galeen ciidankii ugu horeeyay. Xeryaha kale waa socdaan. Reform-ka kadib, ciidanka mushaharkaa loo kordhinayaa".

Askari iyo shaqaale walba ayaa loo sameyn doonaa akoon dooni ah, halkaas oo loogu diri doono gunnada uu xaq u leeyahay.

"Barnaamijkaas waa socdaa. Dufcadihii ugu horeeyay ee shaqaalaha dowladda waxaan filaynaa in Khamiista ay akoonadoodii ugu dhacaani mushaharka. Ciidamada waa noo socdaa," ayuu raaciyey.

Ilaaladda madaxtooyadda Puntland ee magaaladda caasimadda ah ee Garowe ayaa qayb ka ah cutubyadda dib u habeynta balaaran lagu sameynayo haatan.

"Marka system-kaasi [nidaamkaasi] dhamaado, mushaharka shaqaalaha wuxuu noqonayaa degree [heer], qof kasta aqoontiisa ayuu ku helayaa mushaharka, ciidamadana sidoo kale ayey noqonayaan".

Nidaaminta mushaarka shaqaalaha iyo ciidamadda ayaa safka hore kaga jira qorsheyaasha hor-tabinta leh ee xukuumadda madaxweyne Deni. Tani waxay sahleysaa in ay hirgasho Miisaaniyadda dowladda.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM