Puntland oo qisaastay laba kamida raggii lagu helay kiiska Caasha

Image

BOOSAASO, Puntland – Dowladda Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxay dil toogasho ku fulisay laba kamid ah raggii lagu helay kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas Aadan.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaala magaalada Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo ay walaalo ahaayeen Cabdifitaax ayaa lagu waramayaa in fulinta xukunka lagu ridday dib loo dhigay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Ilyaas Aadan, aabaha dhalay Caasha, "uu codsaday in muddo tobban casho ah dib loo dhigay fulinta xukunka dilka ee Cabdisalaan".

Ilyaas oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in dalabka uu ka yimid isaga iyo qoyska xukumanaha, isla markaana uu ku saabsan yahay sidii loo xaqiijin lahaa.

"Qisaasta annaga ayaa fushanay dowladda ayaa nagu tiri idinka fushada. Waana hubiyey in ay dhinteen, aad ayaana ugu faraxsanahay," ayuu hadalkiisu ku daray.

Dhamaan maxkamadaha Puntland ayaa isku wada raacay xukunka dilka toogashadda ah ee gal-dacwadeedkan baaristiisa lagu saleeyay hanaanka casriga ee dheecaanka.

Bishii Febraayo, 2019 ayay ahayd markii Caasha lagu faraxumeeyay isla markaana lagu dilay waqoyga magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug.

Ciidamadda ammaanka ayaa ku guuleystay soo qabashadda tobanaan lagu tuhmayo falkaas waxaana kadib ay kusoo biyo shubatay saddexdaan shaqsi.

Alle ha u naxariistee, Caasha Ilyaas Aadan, oo la afduubtay kahor inta aan dhibaatadaas foosha xun lagula kicin, ayaa waxay ahayd gabar 12-sano jir ah oo dhiganeysay dugsiga hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM