Lataliyaha amniga Deni oo ka hadlay qoraalkii NISA ee qaraxii Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Lataliyaha amniga madaxweynaha Puntland ayaa ka hadlay qoraalkii hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya kasoo saartay qaraxii Ex-kontarool Afgooye, 28-kii December, 2019.

"Warbixin bilow ah" oo NISA u gudbisay madaxda dowladda federaalka ayay ku sheegtay in qorsheynta falkaas uu lahaa "dal shisheeye" wallow aysan shaacin magaciisa.

Saacado kadib qoraalkaas, Al-Shabaab ayaa qiratay in ay ka dambeysay xasuuqaasi, waxayna qaadatay mas'uuliyadda shacabka u badan ardayda ee ku leeday falkaas argagixiso.

Sidda ay dowladdu shaacisay, ku dhowaad 90 ayaa ku naf-waayey weerarka oo loo adeegsaday gaari Dhayno ah oo laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa.

Maxamed Cabdiraxmaan, lataliyaha sare ee amniga madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Puntland ay dooneyso in dowladda federaalka sida ugu dhaqsiyaha badan u fahfaafiso eedaas culus.

"Farqiga u dhexeeya qirashada Al-Shabaab qaraxii lagu xasuuqey shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacey Ex-kontrool Muqdisho 28/12/2019 iyo qoraal galinkii hore ee maanta, 30/12/2019, ka soo baxay hay’ada sirdoonka NISA, waxaa hay’adaha amniga maamulada goboleedyada kuwaas oo ay Puntland ugu horeyso, Dowlada Federaalka Soomaaliya ka sugayaan iney jawaab cad ka bixiso qoraalkii hay'adda NISA," ayuu mudane Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saarey.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay xukuumada Muqdisho in ay "warbixin waafi ah" kasoo saarto eedeymihii Qadar loogu jeediyey warbixintii New York Timies.

Jaraa'idkaas laga leeyahay Mareykanka ayaa bishii July, 2019 daabacay in Dooxa ay ku lug lahayd weerar ka dhacay Boosaaso, xarunta gobolka Bari iyo ganacsiga Puntland.

"Sidoo kale Dawladda Puntland mar kale waxay codsanaysaa in Dowlada Federaalka ay warbixin waafi ah ka soo saarto beenintii eedaymihii ku soo baxay Wargayska NYT cadadkiisii soo baxay 22-kii July kaas oo lagu daabacay in ay hayso cod sir ah oo ay Al-Shabaab iyo ganacsade Carbeed maleegeen qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso iyada oo ay arrintaasi fududeeysay mid ka mida safaaradaha Carbeed ee Muqdisho ku sugan," ayuu raaciyey.

NISA, oo fadhigeeda ugu weyn uu ku yaala magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dhaqaale waxay ka heshaa qaar kamid ah dalalka Khaliijka, inkasta oo deeq-bixiyeyaha ugu badan uu Mareykanku yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM