Puntland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay roobabkii da'ay

Image
Image

GAROWE, Puntland – Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhimatay, in ka badan 100 qoys way ku guryo beeleen, ku dhowaad 17 wado way ku burbureen markii roobab ma hiigaan ay ka da'een gobolada Puntland, saacadihii lasoo dhaafay.

Dadkaan ayaa isugu jira qaar ay fatahaadyo qaadeen iyo kuwa ay haleeshay danabyo [biriq].

Gobolka Nugaal, saddex ruux oo isku reer ah ayaa lagu waramayaa in ay kamid ahaayeen dadka geeriyooday markii ay qaadeen daad culus oo ka dhashay roob Jimcadii ka da'ay tuulada Xaaji Kheyre.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo shaaciyey in dowladdu ka shaqeyneyso sidii loogu gurmad u gaarsiin lahayd dadkaasi ayaa ku tartarsiiyey hay’addaha iyo shacabka in ay door qaataan.

Roobabka Gu'ga iyo daadka uu ka dhashay ayaa sidoo kale gooyey wadada laamiga ah ee isku xirta caasimada Puntland ee Garowe iyo Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Tani ayaa hakad gelineysaa isu socodkii labada magaalo xili xukuumadda ay ku amartay gaadiidleyda in ay joojiyaan safarka gaadiidka illaa iyo amar dambe maadaama ay ka dhalan karto shilal.

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Sabtidii kormeeray goobaha ay saameeyeen fatahaadyada ee duleedka Garowe ayaa magacaabey Guddi heer wasiiro ah oo qiimeyneynaya waxyeelada.

Dhanka kale, shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaaladda soo korotay ayaa maanta ka furmay Garowe, kaasoo ay kasoo qeybgaleen madaxda hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Kulankaan ayaa la filayaa in lagu dejiyo istaraatiijiyada loogu gur-man karo dhibanayaasha daadadka kuwaasoo isugu jira; kuwa ku waayey xoolo iyo guryo taasoo dhabaha u xaartay barakac.

Roobkaan, oo in muddo ah la sugayey siina socon doona, ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu xooganaa iyo kii ugu waqtiga dheeraa marka loo eego mudad uu socday.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM