Puntland oo shan maalin gudaheeda laga helay 54 kiisas oo ah Covid-19

Image

GAROWE, Puntland – Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in shantii maalmood ee lasoo dhaafay ay safmarka Covid19 ka heshay 54 qof markii la baarey in ka badan 100 bukaan oo la tuhmay.

Cabdirsaaq Xirsi Xasan, agaasimaha guud ee wasaaradda, ayaa shaaciyey in tani ay tahay calaamad muujineysa sarre u kac ka jiro xaaladaha xanuunka degaanada maamulka, loona baahan yahay taxadar.

Wareysi uu siiyey telefishinka ku hadla afka dowladda ayuu daaha ka rogay in dhamaan shaqsiyaadka cusub ee uu soo ritay cudurka ay ku kala sugan yihiin guud ahaan goboladda kala duwan ee Puntland.

Sidda laga soo xigtay agaasimaha, Talaadadii, 16-ka June, 2020; waxaa la baarey 35 qof, waxaana laga helay 16; Isniintii, 15-ka June, 2020, waxaa la baarey 32 qof waxaa laga helay 12; Axadii, 14-ka June, 2020 waxaa la baarey 44 qof waxaa laga helay 14, halka Sabtidii 13-ka June la baarey 44 ruux, lagana helay 12.

"Marka aad eegto isbedbedelka waxaa muuqaneysa in maalinba maalinta kasii dambeysay kiisasku soo badanayaan," ayuu yiri, isagoo xusay "Tirro kasta oo la baarana tirro ku dhow laga helay xanuunka".

Dhanka kale, agaasimaha ayaa hoosta ka xariiqay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay xarunta ka hortagga caabuqa lasoo xiriireen 710, kuwaas oo tilmaamay in ay isku arkeen calaamadaha safmarka Covid19.

"Waxaa halkaas ka muuqata in ay siyaadayaan dadka soo wacaya xarunta," ayuu caddeeyay. "Wasaaraddu waxay 84 kamid ah u aqoonsatay in ay yihiin kuwa halis ah, waxaana loo diray baaritaan," ayuu ku daray.

Ugu dambeyntii, ganacsatadda ayuu ku booriyey in ay dhaqan-geliyaan talaabooyinka looga hortagayo fayruskaan dilaaga ah isla markaana mehradahooda ka sameeyaan goobo lagu farxasho.

Xukuumadda Puntland ayaa todobaadkii hore waxay ku dhawaaqdey muddo bil oo ah feejignaan dheeraad ah oo la xiriira fayruska Corona "maadaama ay jirto baqdin ku aadan in uu soo laba-kacleeyo caabuqa faafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM