Puntland oo soo bandhigtay kiisas cusub oo ah cudurka Covid-19

Image

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa caawa oo Axad ah waxay ku dhawaaqdey todoba kiis cusub oo ah safmarka Coronavirus. Bukaanada cusub ayaa laga soo dhex-saarey 11 qof oo la baarey 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Tani ayaa ka dhigan in tirada guud ee kiisaska laga diiwaan-geliyey degaanada maamulkan ay haatan gaartay 30 xaaladood. Shan kamid ah bukaanada cusub waa lab, halka labada kale ay yihiin Dhedig, sidda ku cad xogta.

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee Covid-19 ee Puntland, saacadihii lasoo dhaafay lama soo warin wax dhimasho ama bogsasho ah. Tirada guud ee geerida waa hal, mana jirto shaqsi ka caafimaadey.

Puntland ayaa hor-muud u ah ololaha iska caabinta fayruskaan dilaaga ah ee sida fudud u faafa ee guud ahaan Soomaaliya. Waa maamulkii ugu horeeyay ee qaadey talaabooyinka ka hortagga caabuqa.

Shacabka iyo xukuumadda ayaa si wadajir ah uga wada shaqeynaya ka hortagga faafitaanka xanuunka, waxaana dadweynuhu u hogaan-sameen amarada sidda bandowga habeenkii iyo xiritaanka Masaajida.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa la-kacaa-kufeysa in ay hirgeliso talaabooyinka laga maarmaanka u ah xakameynta faafitaanka tusaale ahaan bulshada oo kala fogaata iyo kulamada oo la joojiyo.

Sidda laga soo xigtay warbixinta Wasaaradda Caafimaadka heerka federaalka, tirada kiisaska laga diiwaan-geliyey guud ahaan dalka ayaa gaartay 722 kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la helay 51 xaaladood oo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM