Puntland oo soo dhaweysay magacaabista ergayga cusub ee QM

Image
Image

GAROWE, Puntland – Todobaadkan xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu James Swan u soo magacaabey ergayga cusub ee u qaabilsanaan doona Soomaaliya kadib eryidii Haysom.

Dowladda Puntland oo markii ugu horeysay ka hadashay magacaabista diblumaasigaan u dhashay waddanka Mareykanka ayaa waxay sheegtay in ay si weyn u soo dhaweyneyso.

"Madaxtooyadda Puntland waxay si sharaf leh hambalyayeeda ugu gudbineysaa xafiiska wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud, waxayna tani uga faa'ideysaneysaa in ay cusbooneysiiso qadarinta ay u heyso UN-ka ee ku wajahan ka go'aananshiyaha in ay dadka Soomaaliyeed ka caawiso nabad iyo baraaqo," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka looga arimiyo Puntland oo nuqul kamida uu helay warsidaha Garowe Online.

Swan oo la filayo in uu shaqada ula wareego sidda ugu dhaqsiyaha badan ayaa waxa uu soo noqday danjiraha dowladda Mareykanka ee wadamadda DRC iyo Jabuuti.

"Isaga oo wakiil ka ah dowladda Puntland, mudane madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxa uu hambalyo u dirayaa wakiilka dhowaan lasoo magacaabey ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Amb James Swan," ayaa lagu daray.

Danjiraha cusub ayaa noqonayaa diblumaasigii labaad ee u dhashay Mareykanka kaasoo qabta jagadda ugu sareysa xafiiska howlgalka Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ee Soomaaliya kadib Jonathan Howe sanadihii 1993-1994.

"Waxaanu aaminsanahay in aad ka dhaxli doonto jagada cusub aqoon qiimo badan iyo waayo aragnimo badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo ku taariikheysan 3-da June.

Wakiilkii hore Nicholas Haysom, kaasoo u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayay xukuumadda federaalka ah ay ku eedeysay in uu meel uga dhacay madax banaanida Soomaaliya, waxayna sheegtay in aysan lasii shaqeyn karin.

"Dowladda Puntland waxay wali si buuxda baaqi ugu sii tahay ka go'naanshiyaheeda in ay kala shaqeyso xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, howlaha iyo hadafyadda," ayay Puntland xustay.

Ku dhowaad shan bilood ayuu wakiil la'aan ahaa xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya kahor magacaabista Swan, walow booskaassi uu ku meel gaar ah u hayey ku xigeenka.

"Mar kale, hambalyo. Waxaan soo dhaweynaynaa xilkaaga. Waxaana kuu rajeynayaa jawi shaqo oo wax ku ool u ah oo ay kasoo baxaan maxsuul wanaagsan oo horseeda baraaqadda Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM