Puntland oo suuq caalami ah u raadineysa garoomada diyaaradaha

Image
Image

GAROWE, Puntland – Dekadaha iyo Madaarada diyaaradaha waxay kamid yihiin ilaha dhaqaale ee uu dal walba isku haleeyo marka ay timaado dakhliga gudaha.

Si ay u soo saaraan dhaqaale badan, waxa uu wadan walba horumariyaan amniga iyo adeegyada garoomada taasi oo keenaysa in ay hirtaan duulimaadyo caalami ah.

Garoomada diyaaradaha ee dunida ugu casrisan waxaa kamid ah mid todobaadkaan laga daah-furay caasimada dalka Turkiga ee Ankara.

Soomaaliya, garoonka diyaaradeed ee ugu wanaagsan waxaa la sheegaa in uu yahay Aadan Cadde ee Muqdisho, inkasta oo maamuladu ay leeyihiin kuwa lamida.

Puntland ayaa safka hore uga jirta dowlad goboleedyadda ay ku yaaliin garoomada diyaaradeed ee ugu maqaanka fiican marka ay timaado gobolada dalka.

Madaarka Garowe iyo kan Boosaaso waa kuwa ugu casrisan marka ay timaado dhigooda ay leeyihiin maamulada wadanka ka jira.

Sanadkii hore Madaxwayne Farmaajo ayaa daah-furay garoonka diyaaradaha Garowe oo qaab casri ah loo dhisay.

Mashruuca lagu dhisay garoomada Garowe iyo Boosaaso waxaa bilaabay Cabdiraxmaan Faroole, madaxwaynihii hore ee Puntland, iyada oo uu dhameystiray Cabdiwali Gaas.

Xukuumada cusub ee uu hogaamiyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dhawaajisay in ay ka shaqeynayso sidii ay ugu soo xiri lahayd garoomadaasi diyaarado caalami ah oo duulimaadyo joogto ah ku yimaada.

Madaxwayne Deni oo maanta socdaal ugu ambabaxay Imaaraadka Carabta ayaa ka dhawaajiyay in uu kala xaajoon doono madaxda dalkaasi sidii diyaaradahooda duulimaad ugu imaan lahaayeen degaanada Puntland.

"Maadaama Puntland leedahay garoomo casri ah waxaan kala hadli doonaa in diyaaradahooda ay duulimaad ku yimaadaan halkaan," ayuu Deni yiri kahor inta uusan ka duulin xarunta gobolka Nugaal.

Dadka ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ayaa rumeysan in tani ay ka qayb qaadaneyso in uu kob-dhoco dhaqaalaha gudaha, ayna fursad shaqo u noqoneyso dhalinyaradda shaqo la’aanta ay hayso.

Deni oo bartay dhaqaalaha ayaa wacad ku maray in xukuumadiisa ka shaqeynayso kob-cinta dhaqaalaha, ciribtirka musuqa, adkeynta nabad-gelyada iyo sidii Puntland doorasho qof iyo cod uga qabsoomi lahayd doorashada xigta.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM