Puntland oo Tallaalaysa Carruur ka badan 1 Milyan [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Xarunta wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland, ayaa maanta [01 January, 2018] lagu daah-furay Barnaamij lagu tallaalayo cudurka Jadeecada oo laga helay qaybo kamid ah gobollada Puntland.

Tallaalkan waxaa bar-bar socda diiwaangalin lagu samayn doono carruurta dhalata.

Xaflad ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’adaha UNICEF iyo WHO, ayaa lagu shaaciyay in tallaalka cudurka Jadeecada laga samayn doono dhammaan gobollada Puntland.

“Waxaa la tallaalayaa carruurta da’doodu u dhaxayso Lix bilood ilaa 10 sano, waxaana Tallaalka qaadan doona sida qorshuhu yahay 1,14,791 [Hal Milyan Afar iyo Toban Kun Todobo Boqol Sagaashan iyo Kow} kamid ah carruurta ku nool sagaalka gobol ee Puntland.” Sidaas waxaa GO u sheegay agaasimaha Caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda Waxbarashada Puntland, Cabdirisaaq Abshir Xirsi (Garweyne).

Ololahan ayaa bilaaban doona 02 Bisha Janaayo, wuxuuna socon doonaa ilaa 09 bishan, waxaana ka qayb gali doona1488 kooxood, 776 gaadiid ah. Arrintan waxaa daba socda qorshe kale oo carruur gaaraysa 480681 kuwaasoo qaadan doona Dawada Vitamin A-ga.

“Talaalkan waxaa iska kaashanaya Wasaaraddda Caafimaadka iyo arrimaha gudaha, howsha ugu muhiimsan waa sidii loo diwaangalin lahaa carruurta waraaqda dhalashada, waxaa bixiya dowlahadaha hoose, cunug kasta oo dhasha waxaa la siinayaa shahaadada dhalashada,” sidaas waxaa yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo intaas ku daray, “Tirakoobka lagu ogaanayo caruurta dhalata, waxaana lagu amrayaa guddoomiyayaasha degmooyinka inay u fududeeyaan howladeenadda diiwaangalinta Carruurta si ay u noqdaan kuwo hela xuquuqda muwaadinimo.”

Madax ka socotay hay’adaha UNICEF iyo WHO, ayaa sheegay in cudurkan oo ka dillaacay qaybo kamid ah Soomaaliya, ay ka gacansiin doonaan sidii loo bad-baadin lahaa carruurta, waxayna ka codsadeen qoys walba inay tallaalan ubadkooda.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan (Cuuke), ayaa sheegay inay gobollada ka imaanayaa qaylo dhaan ku aadan cudurkan islamarkaana ay jiraan kiisas noocaan ah oo ka jira qaybo kamid ah gobollada dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ka xukuumad ahaan ay ku dedaali doonaan sidii loo bad-baadin lahaa dhallaalka.

“Qorshuhu wuxuu ahaa in Soomaaliya qabato bishan 28-keeda, laakiin anagu anagoo u jeedna waddankeena duruuftiisa, waxaana niri ma dhici karto inaan sugno bil kale, ilaawa ilaawa waa inuu hadda dhacaa,” sidaas waxaa yiri Cuuke.

Cudurkan ayaa kusoo beegmay xilli abaaro xooggan ay ka dhaceen dalka Soomaaliya, waxaana la aaminsanyahay in saamaynta jiilaalkaas ay saamayn ku leedahay Jadeecada oo kamid ah cudurada Naafeeya dhallaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM