​Puntland oo u dabaal dagaysa sanadguuradii 19aad [Sawirro+Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Maamulka Puntland ee Somaliyeed ayaa u dabaal dagaya 19 sano guuradii kasoo wareegtay markii dibada loo taagay sannadkii 1998 xilligaas oo lasoo gaba gabeeyay shir waqti dheer qaaday oo ka dhacay magaalada Garowe, kaasoo ay isugu yimaadeen Ergooyin kasocday 5 gobol oo kala ahaa; Nugal, Mudug, Bari, Sanaag, Sool iyo Degmada Buuhoodle.

Ergooyinkaas ayaa sameeyay axdigii lagu dhisay Puntland kaasoo la sheegay in la dhammaystiray March 1998, halka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Puntland la doortay bishii Luuliyo 1998.

Baarlamaankii ugu horeeyay ee Puntland yeelato ayaa la dhaariyey bishii August 1998.

Golaha Wakiilada ee waqtigaas ayaa sida taariikhdu xusayso isku raacay in 1-da Agoosto noqoto Maalinta Puntland, taasoo ilaa iminka laga xuso deegaanada Puntland.

Xukuumadihii talada maamulkan isaga kala dambeeyay ayaa ku kala duwanaa xuska, waxaana maamuuskii ugu weynaa inta la xasuusto la sameeyay Sannadkii 1999 iyo 2009, taasoo aad usoo jiidatay indhaha Caalamka.

Dadka reer Puntland ayaa maalintan oo kale hawada isu mariya salaan iyo hambalyo ku aadan qiimaha August horaanteeda, balse sannidii ugu dambeeyay gaar ahaan markii uu xafiiska yimid Madaxweyne Gaas, waxaa hoos u dhacay maamuuska  1-da August, maadama sida caadada ahayd la samayn jiray bandhig weyn oo ay ka qayb qaataan shacabka, ciidanka iyo madaxda dowladda intaba.

Labadii sano ee ugu dambeeyay majirin cid si weyn u maamuustay maalinta qiimaha leh, waxaana lagusoo koobay xaflad habeenkii lagu qabto Madaxtooyada, waloow sannadkii hore Madaxweyne Gaas jeediyay Khudbad kaliya.

19 sano guuradan ayaase kusoo aaday xilli maamulkan uusan lahayn gole xukuumadeed oo rasmi ah, kadib markii Barlamanku xasaanadda kala noqday dhammaan Wasiirradii iyagoo ku dhaliilay inay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmaday.

Wasiirrada la cayriyay qaybtood waxay hormuud u ahaayeen guddi loo xilsaaray inay ka shaqeeyaan xuska maalinta 1-da Augusto, balse tallaabadan kadib waxaa qaban qaabada la wareegtay Madaxtooyada iyadoo caawa xaflad lagu qaban doono Magaalada Garowe.

Qaar kamid ah shacabka Garowe ayaa saaka isugu yimid fagaaraha weyn ee Barxadda loo yaqaano halkaas oo aysan jirin wax munaasabad ah oo kasocotay, balse laga waday qorshe Calamo lagu xirayo.

Dowladda oo hormuud u ahaan jirtay qaban qaabada maamuuska maalinta ayaa asbuuc ka hor ku dhaqaaqi jirtay tallaabooyin lagu nadiifinayo caasumadda sidoo kale  Midabka Calanka Puntland loogu xardhayo waddooyinka faras magaalaha taasoo sannadkan aad moodid in la illaawey.

Majirto ilaa waqtiga oo warbixinta uu daabacay Garowe Online hambalyo katimid Dhinaca Madaxweynaha.

Hadii aan eegno dhinaca hormarka uu sameeyay maamulka Puntland, wuxuu ku tallaabsaday guulo la taaban karo oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha isugu jira, waxaana uu hormuud u yahay maamullada kale ee dalka Somalia.

Maamulka Puntland, wuxuu hormuud u ahaa dhismaha dowlad Somaliyeed oo rasmi ah iyo qorshihii looga baxay nidaamka KMG.

Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay qaabkii dalka Somalia looga hirgalin lahaa nidaamka Federaalka oo hadda ka hirgalay guud ahaan Somalia.

Puntland marka la eego mudada ay dhisantahay waxaa jira dhaliilo loo jeediyo maamulladi isaga kala dambeeyay tallada dalka taasoo ah inay waddanka gaarsiin waayeen qorshe doorasho qof iyo cod ah.

Balse xukuumadda Farole oo talada uga horeysay midda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas ayaa isku day wanaagsan samaysay, inkastoo damaceed ku aadana in shacabka soo doortaan cidda ay rabaan is-hortaag ku sameeyeen siyaasiyiin xil doon ahaa oo uu kamid ahaa Madaxweynaha hadda xafiiska jooga.

Cabdiwali Cali Gaas, ayaa ballan qaaday waqtigii uu xafiiska joogay inuu hirgalin doono nidaamkan, balse xilligan oo ay u harsantahay sannad iyo bar ma jirto qorshe lagu kalsoonaan karo oo xukuumaddiisu u dajisay nidaamkaas marka laga yimaado Guddigii doorashada oo la magacaabay kuwaasoo la shaqayn kari la’ dhaqaalo xumo iyo taageero la’aan.

Puntland ayaa aad uga duwan dhinaca  baaxadda, amniga, dhaqaalaha, kororka bulshada iyo dhinaca siyaasadda marka loo eego waqtigii la yagleeayay 19 sano kahor.

Maamulka Warsidaha Garowe Online, Shaqaalihiisa dalka iyo Dibadaba waxa uu hambalyada la wadaagay shacabka Puntland oo maanta ku beegantahay waqtigii ay samaysteen maamul xilli dalka Somalia qaybihiisa kale uu wajahay dagaallo sokeeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM