Puntland oo wafdi u dirtey shir ka furmaya Muqdisho

Image

Sabti September 27,2014 [GO]- Waxaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Garowe tiro ka badan 20 agaasime waaxeed oo ka kala ka tirsan madaxtooyada iyo wasaaradaha Dowlada Puntland kuwaas oo lagu wado inay uga qeyb galaan Muqdisho maalinta berito shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Federalka Somaliya.

Ujeedada waftiga Puntland u tageen Muqdisho ayaa salka ku haysa ka qeyb galida kulan dabo socda shirarkii hore ee DF ka qabatay Barnaamijka ” New Deal” ayna kasoo qeyb galeen kulamadii ka horeeyey midka berito ka furmaya Muqdisho Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan Xukuumada Madaxweyne Gaas

Waxaana ka mid ah xubnaha maanta ka dhoofey Garowe Agaasimaha Mashaariicda Madaxtooyada, Agaasimaha Tacliinta Sare  ee Wasaarada Waxbarashada, Agaasime waaxeedka Faaf Reebka Warfaafinta, iyo xubno kale oo tiradoodu ka badan tahay 20 qof.

Socdaalka waftiga ayaa imaanaya xilli aysan wali labada dhinac wada hadalo rasmi ah ka yeelan go,aankii kasoo baxay xukuumada Madaxweyne Gaas 20-kii bishii horre Augsto 2014 iyo mowqifkii uu ku shaaciyey Madaxweyne Gaas 31 July 2014 inuu jaray wada shaqeyntii iyo xiriirkii xukuumadiisu la lahayd Villa Somalia.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland u tagto Muqdisho shirar ay soo qaban qaabisay DF Somalia tan iyo markii la doortey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM