Puntland oo Dhaleecayn kala kulantey Dayaca Garoomada Kubadda Cagta

Image
Image

BOOSAASO, Puntland- Shalay waxaa garoonka Kubadda Cagta Boosaaso ka dhacday cayaar u dhaxaysay koox katimid waddanka Australia taasoo socdaal ku maraysay qaybo kamid ah magaalooyinka Soomaliya.Kooxdan ayaa gobolka Bari u timid sidii ay kulamo saaxiibtinimo iyo isbarasho ula qaadan lahaayeen dhigooda Bosaso, kahor inta aysan u soo gudbin magaalada Garoowe.

Naadigan oo markii labaad booqasho ku yimid Puntland ayaa dhowr cisho ka hor soo maray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasoo ay kulama saaxiibtinimo kula yeesheen dhigooda gobolka Banaadir iyagoo kasoo qaaday koob loo dhigay cayaar adag oo ka dhacday Banaadir Stadium.

Laakiin kulankoodii shalay ee Boosaso wuu ka duwanaa midkii Muqdisho, marka laga eegayo goobta lagu cayaarayay oo ay ka muuqatay bur-bur iyo dayac xoog leh, taasoo dhalinyarada Qurbaha ka timid qaybtood ku kaliftay inay kulankaas safan waayaan iyagoo ka walaacsan inay dhaawacyo kasoo gaaraan.

Garoonka Kubbada Cagta Muqdisho oo la dayactirey

Kulankii shalay ayaa kusoo dhammaaday bar-baro (2:2), iyadoo dadweynihii u soo daawasho tagay dhaliil u jeediyeen dowladda iyo Wasaarada ku shaqo leh howshaan waxayna xuseen inay tahay wax laga xumaado in ku dhawaad 20 sano oo uu maamulkaan dhisnaa uu awood u yeelan waayay dhismaha garoomo casri ah.

"Cayaar fiican ayay ahayd si wanaagsan ayay labada kooxood u dheeleen, laakiin waad aragtaan meesha lagu cayaarayo dayaca ka muuqda, tusaale Tarabuunka waad aragtaan sida uu u bur-bursanyahay, garoonka waa dhagax, dhalinyaradan qurbaha ayay nooga timid, qaybtood waligood ma arag halkaan oo kale, macquul ma tahay inay ku cayaaraan, waa Maya, dabcan dowladda waxaana ugu baaqayaa inay arrintaas wax ka qabato," sidaas waxaa yiri mid ka mid ah dadkii usoo daawasho tagay cayaartii shalay oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

"Arrintan waxaan aaminsanahay in wax laga qaban karo ceeb iyo fadeexad ayay inagu tahay waayo dalkeena waa nabad, waxaana markasta imaan kara cayaaryahano heer caalami ah, hadii marka Garoomadeenii sidaas yihiin qaabkee noqonaysa sumcadeenu," sidaas waxaa yiri qof kale oo isna kamid ahaa daawadayaasha oo hadalkiisa ku daray, "Waad aragtaan maamullada Somaliland, Jubbaland oo Puntland wax ka dhistay, iyo Muqdisho oo intii la ogayd colaado ka socdeen, waxay leeyihiin Garoomo casri ah koobab lagu qaban karo, dad lagu marti galin karo."

Madaxweynaha Jubaland oo furey Garoon la dhigey Caws April, 2017

Sidaasi si lamid ah waxaa dayac isna ka muuqdaa Garoonka kubadda Cagta ee magaalada Garoowe kaasoo sannadkii 2011-kii martigaliyay koobkii gobollada Soomaaliya isagoo Jay ah, waxaana waqtigaas wixii ka dambeeyay iska soo daba dhacayay ballanqaadyo lagu sheegayay in la dhigi doono Caws macmal ah islamarkaana dayactir lagu samayn doono, inkastoo dhammaan arrimahaas ay u muuqdeen Riyo Soojeed lagu galay.

Puntland ayaa guud ahaan maamulladii isaga kala dambeeyay midna xooga ma saarin hormarinta cayaaraha, waxaana muuqatay inay jireen mashaariic badan oo lagu helay in lagu dayactiro garoomada Puntland kuwaasoo laga habaabiyay marinkii loogu talo galay.

Dowlada Puntland ayaa sidoo kale lacago ka heshey mashaariic ay la gashey shirkado shisheeye balse marna ma dhicin in misaaniyad loo leexiyo dayactir lagu sameeyo goobaha ugu muhiimsa ee dhalinta dalku ku qaataan waqtigooda inta ugu badan.

Garoonka Kubbada Cagta magaalada Hargeysa- Somaliland

Wasiirka Wasaarada Isboortiga oo isagu aan wax khibrad ah u laheyn howlaha loo igmadey ayaa ku mashquulsan howlo kale oo aan xiriir la laheyn kuwa horyaalla halka xiriirada Kubbada cagta ee ka jira Puntland yihiin kuwo musuqmaasuq ragaadiyey.

Dhinaca kale shacabka Puntland ha noqdeen kuwo dalka dibada uga maqan iyo kuwa gudihiisa jooga ayaan gabi ahaanba u soo jeedin hurumarinta degaanada ay kasoo kala jeedaan balse ku mashquulsan sidii ay u kala tageeri lahaayeen maamulada qabiilka ku dhisan ee ka arimiya magaalada Garowe.

Puntland oo sheegta iney qayb ka tahay doiwlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhinaca kale waxba ka aan helin mashriicda lagu dayac tiro kaabayaasha dhaqaale ay bixiyaan kuwasoo madaxda Villa Soomaaliya ku koobtey magaalada Muqdisho oo kaliya.

Lama oga taalabada dowladda Madaxweyne Gaas ka qaadi karto fadeexada ka muuqata garoomada Kubadda cagta oo ah muraayadii Puntland laga dhex arkayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM