Puntland oo walaac ka muujisay lacag loogu deeqay Somaliland

Image

GAROOWE, Puntland - Guddiga Difaaca ee Puntland ayaa si kulul uu uga hadlay lacag dhan Hal Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah Guddiga Gurmadka Qaran ee dowlada Federaalka Soomaaliya ugu deeqay shalay oo Axad ahayd maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland, ahna xubin ka tirsan Guddiga Difaaca Cabdullaahi Axmed Xirsi [Timacadde] ayaa sheegay in lacagtaan ay tahay mid sharci-darro ah, islamarkaana lagu hurinayo Colaada gobolada, Sool, Sanaad iyo Cayn [SSC].

"Puntland ma diidana in loo gurmado Shacabka fataahadu saameeyeen, laakiin lacagtaan oo ay gar-wadeen ka ahaayeen Ra'iisul Wasaare ku xigeenka iyo Wasiirka Maaliyadda, waxaan u aragnaa inay tahay mid lagu [hurinayo] dhibaatada ka taagan gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn," ayuu yiri wasiir Timacadde.

"Inagoo ku hadlaya magaca xukuumada Puntland, waan cambaraareynayna, waliba si cad ayaan ucambaareynaynaa. Hadii loo gumarmanyo Shacabka halkaas ku nool, waxay ahayd in loo marinayo Hay'addaha Qariga ama loo dhiibo Culimada Soomaaliyeed ee ma ahayn in la bixiyo lacago kaash ah," ayuu ku daray hadalkiisa.

"Hadda waxaan uqaadaneynaa inay tahay mid lagu dhibaateynayo Puntland iyo Shacabkeeda.

Wasiirka ayaa tusaale ahaan usoo qaatay in Dufaanada ay ku dhufteen Puntland, laakiin aysan dowladdu wax gurmad ah aysan soo gaarsiin shacabka ku waxyeeloobay iyo Shacabka ku barakacay dagaalada ka dhacay Tuulada Tukaraq, balse lacagtaan ay tahay mid dhiileysan.

"Duufaanada ku dhuftay dalka oo dhan, waxaa deegaanada Puntland ku degay Sagaal doomood, oo todoba kamid ah ay laaheeyn Ganacsatadda Puntland, waxaa burburay illaa iyo 40 Laashash iyo Todobaneeyo Guryo," ayuu ku dooday.

"Halka Milyan ee laga dejiyay Hargeysa waxaan u aragnaa inay tahay mid dhiileysan, oo si gaar ah loogu gacan gelinayo Muuse Biixi oo hadda wada abaabul dagaal iyo ciidamo uruursi, marka lacagtu waxay tahay Hub haku soo iibsadaan," ayuu daba dhigay.

"Waxaan u aragnaa in dowladda Federaalka aysan dhax-dhexaad ka ahayn colaada Gobolka Sool, ayna garab siineyso Somaliland, waan cambaareynaynaa, si adag ayaana u cambaareynayaa," ayuu kusoo xiray hadalkiisa Timacadde.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa si cad u sheegay in dowladda Federaalka ay si toos ah ugu biirtay colaada Gobolka Sool, islamarkaana ay la safatay maamulka Somaliland, taasoo uu sheegay inay cambaraareynayaan. 

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM