Puntland oo war kasoo saartay dagaalka Tukaraq [AKHRI]

Image

GAROOWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa war kasoo saartey dagaalkii saaka ka dhacay duleedka deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo yimid kadib markii Ciidamada maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadeen kuwa Puntland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu shalay amray duulaanka maanta lagu soo qaadey Ciidamada Puntland ee ku sugan duleedka Tukaraq.

"Sidaan la socono, Madaxweynaha Somaliland horey ayuu u shaaciyay siyaasadiisa nooleynta colaada deegaanada lagu muransan yahay, taasi oo ah isku day lagu sharciyeynayo xuduudii gumeysiga Ingiriiska," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Puntland.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegtay in Muuse Biixii uu markii labaad amar ku bixiyay duulaan ka dhan ah Puntland, isagoo ku marain habaabinayo shacabka Somaliland inuu ka dhabeeyo balan-qaadkiisii uu ku galay Ololaha doorashada.

Madaxtooyada Puntland ayaa ku tilmaamantay siyaaasadda Madaxweyne Muuse Biixi mid caddeyn u ah cadaawadda maamulka ku yaalla Waqooyiga Galbeed ee Sooomaaliya.

Puntland ayaa sheegtay inay muujisay is-xakameyn iyo dulqaad si looga hortago in dhiigga shacabka Soomaaliyeed ku daadiyo dagaal ka dhaca gobollada lagu muransan yahay, gaar ahaan Tukaraq oo Somaliland qabsatay January 8, 2018.

War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Puntland ay iska difaacayso weerar kasta oo deegaanadeeda iyo shacabkeeda looga soo qaado dhanka Somaliland.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa ku wargelisay Beesha caalamka inaysan damacsanayn ficil colaad abuuraya, islamarkaana wax u dhimaya deganaanshaha iyo maslaxadda Shacabka Soomaaliyeed.

HOOS KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA OO ENGLISH KU QORAN:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM