Puntland oo xustay Ololaha ka hortaga Umul-raaca hooyada [CARMA]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Dowladda Puntland ayaa sannadkii saddexaad maamuustay maalmaha loo asteeyay ka wacyigalinta bulshada sidii loo yaran lahaa Umul-raaca hooyada ee waqtiga Dhalmada.

Madaxweyne Gaas ayaa Saddex sano ka hor ku dhawaaqay Barnaamij loogu magac daray [CARMA], kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu yareeyo dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka, kasoo ay saacidaysay hay'adda UNFPA.

Xaflad lagu qabtay Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe, ayaa lagusoo bandhigay warbixino, khudbadao ka hadlaya, sidii loo yaran lahaa dhibaatada xilliga dhalmada soo gaartay hooyooyinka.

Madaxa UNFPA ee Soomaaliya, NIKOLAI BOTEV, ayaa sheegay in xukuumaddu dedaal ku bixisay sidii loo yaran lahaa tirada dumarka ku dhinta waqtiga Dhalmada, isagoo xusay in CARMA, waxbadan ka badashay arrintaas. Wuxuu intaas ku daray inay ka shaqayn doonaan tallaabo kasta oo lagu yaraynayo dhimashada hooyooyinka Soomaaliyeed.

Cabdifitaax Faarax Waloore oo ah wasiir ku-xigeenka wasaaradda Caafimaadka Puntland, ayaa tilmaamay inay u doodi doonaan xuquuqda hooyada, isagoo fariin u diray xarumaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya caafimaadka in hooyadii Uur leh ee u timaada ay u tilmaamaan xarumaha loo diyaariyay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo soo xirmay munaasabadda, ayaa carrabka ku dhuftay in waqtigii la sameeyay Barnaamijkan kadib ay is-badashay tirada sannadkasta ee hooyada u dhiman jirtay Umul-raaca isagoo intaas ku daray inay sameeyeen goobo loogu talo galay in xaaladaha dumarka Xaamilada ah lagula socdo.

Cuuke ayaa hooyinka ugu baaqay inay tagaan goobaha caafimaadka waqtiga ay Uurka leeyihiin si loola socdo xaaladooda, taasina ay tahay habka kaliya ee kor u qaadi kara caafimaadka Dumarka Xaamilka ah.

Waxaa jira gabdho tiro badan oo laga keenay gobollada Puntland, kuwaasoo la baray ilaalinta hooyada, taasoo ay gacan ka gaysatay hay'adda UNFPA, waxaana kamid ah Fartuun Maxamed Muuse, oo dhigata Jaamacadda Boosaso islamarkaana si mutadawacnimo ah uga shaqayso xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada Garoowe.

"Kahor inta aanan baran Umulisanimada, waxaan la kulmay hooyo Dhiig-baxaysa, ma awoodin inaan ogaado xaaladeeda, waxaa aan ku taliyay kaliya inaan dhaho ha la geeyo goobaha caafimaadka, balse maanta marka aan bartay cilmigan, waxaana awooda inaan caawiyo hooyo rafaadsan, tusaale waxaan iigu filan in la iigu yeeray hada markaana bartay cilmigan hooyo umushay oo Abidii ku jirto, waxaan awood u yeeshay inaan bad-baadiyo.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in tan iyo 2013-kii ay tababartay Gabdho gaaraya 320 kuwaasoo loo diyaariyay sidii ay wax uga qaban lahaayeen dhibaatada Umul-raaca hooyada.

Waddanka Soomaaliya ayaa kamid ahay meelaha ugu badan ee hooyadu ku dhimato waqtiga Foosha, taasoo loo sababeeyo arrimo Caafimaad yar iyo aqoon la'aan haysata bulshada, waxaana qiyaas la sameeyay ay tilmaamaysa in 100,000 [Boqolkii Kun] ee Dumar ah ay Umul-raacaan 732, taasoo ka dhigan in 13-dii cunug ee dhasha, waxaa dhimata hal hooyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM