Puntland: Saamaynta Duufaanta Sagar [War-bixin]

Image

GAROOWE, Puntland- Duufaanta Sagar ayaa martay qaybo kamid ah xeebaha Puntland, xilli shalay hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ay baahisay in gobollada Bari iyo Waqooyi ee dalka Soomaaliya ay ka di'i doonaan roobab dabaylo wata.

Duufaanta ayaa meelaha qaybtood gaartay habeen hore iyadoo aan la baahin fariimo dowladda Puntland u diraysay shacabka.

Khasaaro naf iyo maal leh ayaa ka dhashay duufaanta oo martay gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland sida ay sheegayaan xogaha soo gaaraya Warsidaha Garowe Online.

Degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag ayaa ahayd meesha ugu horaysay ee duufaantani gaartay, waxaana baddu kusoo fatahday magaalada iyadoo bur-burisay Gaadiid badeed kala duwan iyo dhismayaal ka ag-dhawaa. Mustafe Maxamed Maxamud oo kamid ah dadka deegaanka ayaa Radio Garowe u sheegay in duufaanta ay soo gaartay habeen hore iyagoo aan wax digniin ah ka helin dowladda.

Wuxuu sheegay in khasaare nafeed aysan gaysan balse ay jiraan bur-bur hantiyeed iyo badda oo aan wali ku laaban goobtii ay joogi jirtay waqtiyada ay caadiga tahay.

Gobolka Bari ayaa sidoo kale duufaantan oo ka timid dhinac Yemen ay soo gaartay, waxaana jira khasaaro nafeed oo soo gaaray dad shacab ah oo ku safrayay wadada xariirisa Boosaso iyo Qardho. Sida laamaha amnigu sheegeen labo nin ayaa geeriyooday kadib markii daadad soo rogmaday ay deegaanka Yalho ku qaadeen baabuur nooca raaxada ah.

Wadada ayaa sidoo kale xirnayda ilaa xalay waxaana ku xanibmay in kabadan 500 oo gaadiid ah sida ay noo sheegeen dad xog ogaal ah.

Gudaha magaalada Boosaaso badda ayaa soo fatahday, waxayna soo gaareen kaam lagu magaacaabo Tooroboore oo ay daganaayeen dad barakacayaal ah. Fatahaadaas ma aysan gaysan wax khasaaro nafeed ah marka laga yimaado daadad soo galay guryihii ay daganaayeen shacabku.

Xiriiro aan la samaynay degmooyinka dhaca xeebaha Puntland sida; Bandar-baly, Caluula, Baargaal, Gumbax, Xaabo, Eyl iyo Bareedo, waxay sheegayaan in roobab aagaas ka da'een balse aysan jirin wax is-badal ah oo aagaas ka jira.

Guud ahaan xaaladda xeebaha Puntland ayaa deganaa maanta oo Jimco ahayd, waxaana lagu soo waramayaa in duufaantu u wareegtay dhinaca gobollada Waqooyi halkaasoo ay ka da'ayeen roobab laxaad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM