Puntland: Suldaan lagu dilay gobolka Sanaag

Image

BADHAN, Puntland- ALLAH ha u naxariistee waxaa maanta nawaaxiga magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag lagu dilay mid akmid ah Salaadiinta gobolkaas oo sida la sheegay qaban-qaabo ugu jiray qado soo dhaweyn ah oo loo samayn lahaa Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo maalintii saddexaad booqasho ku jooga magaalada Badhan.

Dilka Marxuumka Suldaan Xasan Cali Jibriil oo kamid ahaa duubabka dhaqanka Puntland ayaa ka dhacay Bar-kantarool oo ku dhow Hadaaftimo, waxaana gaystay ciidamo katirsan kuwa deegaanka xilli uu usii jeeday magaalada Badhan.

Lama oga sababta keentay dilka Suldaanka, wax faah faahin ahna kama bixin laamaha ammaanka Puntland.

Wararka soo gaaraya Garowe Online ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Marxuumka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Suldaanka guud ee Warsangali Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam ayaa ka damsiyeeyay geerida Marxuumka.

'Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle haw naxariistee Suldaan Xasan Cali Jibriil, waxaan Alle u waydiinayaa inuu denbigiisa dhaafo, qabrigana u waasiciyo, kuna abaal mariyo Janatul fardawsa' Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Gaas ayaa si gaar ugu tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Suldaan Xasan isagoo ALLE u weydiiyay inuu ku arsaaqo Naxariistiisa Waasaca ah.

'Waxaan si gaar ah ugaga tacsiyaynayaa geerida marxuunka qaraabadii eheladii, xaasaskii iyo caruurtii uu kategey, marlabaad waxaan Alle u waydiinaynaa inuu denbigiisa dhaafo kuna abaal mariyo janooyinkiisa kuwa ugu wanaagsan' ayuu yiri Madaxweynuhu.

Galabta ayaa la filayaa in Suldaanka aas-qaran loogu sameeyay magaalada Badhan, waxaana ka qaybgali doona Madaxweyne Gaas iyo wafdiga la socda ee booqashada ku jooga gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM