Puntland: Timacade oo ka shaqeynaya olole ka dhan ah Gaas

Image

GAROWE - Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) ayaa warar lagu kalsoon yahay u sheegayaan warsidaha Garowe Online inuu qayb ka yahay olole Guddoonka Barlamanka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan golaha ku doonayaan sidii aqalka wakiilada awood siyasadeed ugu yeelan lahaa soo magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka doorashada Puntland ee la filayo iney ka dhacdo bilowga sanadka 2019.

Cabdulahi Cali Timacade oo dhowaan xilkaan loo magacaabey ayaa wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya xusayaan in Madaxweynaha Puntland kala soo hadlay isagoo xiriir taleefan ugu sheegey in faraha uu kala baxo arinka xildhibaanada qaarkood ku raadinayaan iney soo magacaabaan qayb kamid ah guddiga xalinta khilaafaadka doorashada 2019.

Wararka laga helayo ilo xogogaal ah ayaa sheegaya, sababta Wasiir Timacade uga horyimid siyaasada xukuukamada uu ka tirsan yahay ay tahay isagoo xiriir dhow la leh mid kamid ah musharaxiin is qaranaysa kuwasoo damacsan iney ka qayb galaan doorashada Puntland 2019. Musharaxiinta is-qarinaya ayaa si qarsoodi ah olole siyaasadeed ugu jira sidii ay u musuqmaasuqi lahaayeen shaqsiyaadka ugu tunka weyn Barlamanka Puntland kasoo waqtigiisu ka harsan yahay sanad.

Dhinaca kale waxaa jira qayb kamid ah Guddoonka Barlamanka Puntland oo cabsi ka qabta in dib beelahooda u soo dooran waayaan iyagoo kaashanaya xildhibaano cabsidaas mid lamid la qaba ayaa waxay raadinayaan in Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada 2019 soo magacaabistiisa qayb kamid ah ka farmaroojiyaan Madaxweynaha iminka talada haya ( Gaas).

Wasiir Timacade iyo Agaasimihiis Guud Jubba

Waxaa bilihii uga dambeeyey xiriir wanaagsan u dhexeeyey Wasiirka cusub ( Timacade) iyo Guddomiye ku xigeenka 2aad ee Barlamanka Puntland Xuseen Xaaji Yaasiin Diiriye. Labadaan mas'uul ayaa xiriir la leh mid kamid ah musharaxiin is-qarineysa oo sheegey iney u sharaxan yihiin doorashada Puntland ka dhaceysa 2019.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Barlamanka Puntland iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaraabo isu ah ayaa xiriirkoodii wanaagsaneyn wayadii ugu dambeysay taasoo sababtey in 'Xaaji cabsi ka qabo in sanadka 2019 xubinta xildhibaanimada kasoo heli waayo beesha uu ka dhashey.

Lama oga halka uu cuskanayo loolankaan iyadoo dhinacyada dabada ka riixaya barnaamijkaan iyo kuwa diidan ay ku tartamayaan sidii ay u kala jiidan lahaayeen Xildhibanaada Barlamanka Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo isagu safar ugu maqan magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafey taleefano kula soo xiriirayey Xildhibanada isagoo ka dalbanayey iney diidaan Barnaamijka ay wadaan Guddoonka Barlamanka Puntland.

GAROWEONLINE

 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM