Shaqaalaha PLTV oo weli shaqo joojin ku jira

Image

Sept 28, 2014 (GO)- Waxaa maanta hawada ka maqan Puntland TV oo shalay dhammaan shaqaalihii ka hawlgelayey shaqo joojin sameeyeen. 

Hawl-wadeenada telefishinka ayaa ka gadooday musuq maasuq iyo wax is daba marin maamulka TV-gu ku kacay, gaar ahaan Agaasime Cabdifataax Ashkir oo sida shaqaaluhu ku doodayaan jeebka ku shubtay labo bilood oo kamid ah mushaharaadkii iyo gunnadii shaqaaluhu xaqa u lahaayeen.

Agaasimaha TV-ga iyo ku-xigeenkiisa waxaa shalay looga yeeray madaxtooyada, waxaana sida ila wareedyo isla madaxtooyada ka agdhowi Garowe Online u xaqiijiyeen la weydiiyey sababta keentay shaqo joojinta shaqaaluhu sameeyeen.

Ashkir iyo ku-xigeenkiisa ayaa ku andacooday in shaqaaluhu ka caroodeen shaqo ka fariisin lagu sameeyey labo kamid ah hawl-wadeenada TV-ga oo qas-wadeyaal lagu tilmaamay.

Madaxweyne Gaas oo ku qanci waayey warbixinta la siiyey wuxuu amar ku bixiyey in shaqada TV-ga si dhaqaso ah loosoo celiyo haddii kale iyagu  xilalkooda waayi doonaan.

Gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay saqdii dhexe waxaa socdey dadaal maamulka Puntlad TV ugu jireen inay shaqaalaha qanciyaan, iyagoo xataa ballan qaadyo isugu jira mushahar kordhin iyo dallacsiin u sameeyey shaqaalaha qaar.

Hawl-wadeenada istuudiyaha koowaad ee Puntland TV ayaa si aad ah arrintaas ugu gacan sayray, waxayna ku adkaysteen go'aankii ahaa shaqo joojinta ahaa ee shalay dhammaantood isku raaceen.

Shaqaalaha TV-gu waxay sidoo kale diideen inay la hadlaan guddi uu Madaxweyne Gaas arrintan u saaray oo Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadu ku jiraan, waxayna si wadajir ah u sheegeen in wax wadahadal ah aanay la furi doonin cid aan ahayn Madaxweynaha.

Weriye ka tirsan Puntland TV oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in goor hore oo saaka ah dhammaan shaqaalaha telefishinka madaxtooyada looga yeeray, si ay kulan gaar ah ula qaataan Madaxweyne Gaas tabashooyinkoodana ugu gudbiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM