Puntland: Ururka Al Shabaab oo qabsadey tuulada Af-Urur

Image

BOSASO- Ururka Al Shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraleyd Galgala ayaa saaka la wareegey tuulada Af-Urur oo 100 KM Koonfur Galbeed kaga beegan magalaada Boosaaso xarunta ganacsiga maamulka Puntland.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in ciidamo ay leeyihiin la wareegeen degaankaas.Ciidamada Puntland oo saldhiga ku lahaa Af-urur ayaa isaga baxeen shaley galab.

La dag Application warsidaha Garowe Online hadaad haysato Samsung iyo taleefanada isticmala Android: “Riix Halkaan”

Tuulada Af- urur oo ku taal goob istaraatiiji ah ee laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqa kooxdaan ku dhuumaleysta buuraha Galgala ayaa waxaa loo sababeynayaa ka bixistooda degaankaas mushahar la’aan la soo gudboonaatey iyagoo u ruqaansadey dhanka tuulada Kalabayr.

Al Shabaab oo dagaal dhumaaleysi ah kula jirta ciidamada dowlada Puntland ayaa horey weeraro gaadmo ah ugu qaadey tuuladaas kuwasoo khasaare kala duwan gaystey.

Kooxdaan ayaa sanadkii 2017 waxay Af-urur ku qaadeen dagaal kadis ah halkaasoo ay ku dileen 50 qof oo isugu jirey ciidamo iyo shacab daganaa tuuladaas.

Qabsashada Af-urur ee Al Shabaab oo aan aheyn markii ugu horeysay ayaa imaaneysa waqtigaan xilli ciidamada Puntland difaac kaga jiraan Tukaraq halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamada Somaliland kuwasoo  qabsadey tuuladaas horaantii sanadkaan.

Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo intii uu la wareegey hogaanka Puntland waxaa sii xoogeystey weerarada kooxda Al Shabaab iyo Daacish ee ku dhuumaaleysata qaybo kamid ah gobolka Bari ku qaadaan ciidamada Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM