​Puntland: Wasiirro ku wajahan deegaanka Af-urur

Image

GAROWE, Puntland- Wafdi wasiirro kamid ah Guddi dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta u amba baxay jiidaha hore ee ay ku suganyihiin ciidanka difaacay gaar ahaan goobtii mashaqadu ka dhacday ee tuulada Af-urur.

Wafdiga waxaa kamid ah wasiirka Amniga, Xannaanada Xoolaha, Caafimaadka, Beeraha iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxaana socdaalkoodu ku saabsanyahay qiimayn ay ku samayn doonaan xaaladda deegaankaa iyo sida ay wax u dhaceen.

Mas’uuliyiintan ayaa goordhaweyd gaaray magaalada Carmo ee gobolka Bari iyagoo booqanaya dhaawacyada halkaas yaalla.

Booqashada kadib ayaa la filayaa in wafdigan aadaan fariisimada ciidamadu leeyihiin buuraha Gal-gala si ay dhiirigalin ugu sameeyaan ciidanka difaaca.

Wararka madaxa bannaan ee uu helayo GO, ayaa sheegay in socdaalkan sidoo kale ku larantahay qiimayn lagu samayn doono xaaladda ammaan ee deegaanada dhaca buuraha Gal-gala xilli dowladdu damacsantahay inay qaado howlgallo lagu sifaynayo kooxda Al Shabaab.

07 bishan ayaa mallayshiyaad katisan Shabaab, waxay weerar xooggan ku qaadeen tuulada Af-urur xilli khasaaro xooggan uu ka dhashay dagaal halkaas ka dhacay oo ilaa hadda dowladdu shaacin.

Balse goor sii horaysay Taliyaha ciidanka difaaca Puntland Siciid Dheere ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay dileen 25 xubnood oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Shabaab.

Dhinaca kale warar ayaa sheegaya inay is-horfadhiyaan ciidanka Puntland iyo mallayshiyaadka kooxda Al Shabaab, iyadoo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Gal-gala.

Buurahan oo kaabiga ku haya xarunta ganacsiga Puntland, waxaa muddo ku dhuumaalaysanayay Al Shabaab iyo Daacish kuwaasoo weeraro gaad ah waqtiyadii dambe ku qaadayay fariisimada ciidamada Puntland, halka Qaraxyo ku aasaan jidadka ciidamadu is-ticmaalaan.

Xukuumadda Madaxweyne Gaas, ayaa lagu dhaliilaa inaysan aad u dar-dar galin howgalka kooxdaas ee buuraha Gal-gala taasoo sabab looga dhigayo weerarkii Shabaab guusha ka sheegatay ee ka dhacay Af-urur oo ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ka dhacay Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM