​Puntland: Weerar ka dhacay gobolka Bari

Image

BOSASO, Puntland- Wararka laga helayo deegaanka Balli Khadar ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in gaari ka tagay magaalada Bosaso ay jidka u galeen mallayshiyaad hubaysan oo katirsan kooxda Al Shabaab, waxana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Gaarigan oo noociisa lagu sheegay Iska rogo islamarkaana siday Saad Ciidan, kuna sii jeeday Galgala ayaa lagusoo waramayaa in la weeraray iyadoo ay la socdaan ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Weerarkan oo mas’uuliyadiisa sheegatay kooxda Al Shabaab, waxaa lagu dilay 4 qof oo saddex kamid ah ay ahaayeen Askari halka ruuxa kale ahaa qof Dumar ah.

Maydka dadkaas ayaa la geeyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Weerarka ayaa dhacay galinkii dambe maanta, waxaana kooxda Al Shabaab qoraal ay baahisay baraha taageera ay ku sheegeen inay dagaal ku qaadeen gaari ay leeyihiin ciidamada Puntland oo ay dileen Afar Askari oo sida ay sheegteen ku jiro Sarkaal ay magaciisa kusoo koobeen Abshir Dheere.

Balse Saraakiil katirsan laamaha amniga Puntland oo la hadlay GO ayaa tilmaamay in gaarigaas ay saarnaayeen 7 qof islamarkaana dagaalku qabsaday xilli uu marayay nawaaxiga Balli Khadar. Goobtaas waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaal.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Inta badan waddooyinka gala furinta dagaalka ee Galgala ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah waxaa ka gaysta kooxda Al Shabaab.

Dhowr jeer oo hore ciidamo katirsan Puntland, ayaa miinooyin loo dhigay, waxayna ahayd dhawaan markii Askar dhowr ah lagu dilay Qarax.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM