​Qaban-qaabada doorashada Aqalka hoose oo Garowe laga dareemayo

Image

GAROWE, Puntland- Waxaa magaalada Garowe, caasumadda Puntland kasocda qaban qaabo xoog leh oo loogu jiro doorashada Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia u matali doona qabaa'ilka daga deegaanada Puntland.

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Puntland, ayaa ku mashquulsan qabasahada Araajida iyo diiwaangalinta Ergooyinka dooranaya xubnaha kala duwan ee matalaya qabaa'ilka iyadoo qaar kamid ah Ergooyinkaasi soo gaareen magaalada Garowe.

Maalinta Sabtida ee fooda nagusoo haysa ayaa doorashadu bilaaban doontaan, waxaana la dooran doonaa Kuriga ugu horeeya oo kamid ah 12 xubin oo Guddigaas u yeereen todobaadkan dhexdiisa.

Waxaa doorashadaas saamayn xoog leh ku yeelatay caasumadda Puntland gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha, maadama ay yimaadeen murashaxiin badan oo xil doon ah.

Hotellada badankood, ayaa buux dhaafay, waxaana goobaha la isugu yimaado lagu hadal hayaa arrimo la xiriira doorashada Somalia iyo tan Aqalka hoose ee Barlamanka.

Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Garowe, oo la hadlay warsidaha GO, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashadaas u dhacdo qaabkii loogu talo galay.

Dhinaca kale, waxaa jira khilaaf ka dhex taagan beelaha qaybtood iyadoo dhawaan Guddiga khilaafaadka doorashada ee heer Puntland tilmaamay inay soo gaartay cabashooyin kala duwan oo sababay inay yiraahdaan Guddiga doorashada ha joojiyaan diiwaangalinta iyo u yeerista Ergooyinka ilaa amar dambe.

Balse, mar xubnaha Guddiga doorashooyinku ka hadleen, waxaya ganafka ku dhufteen go'aankaas iyagoo xusay inay shaqadu sideedii u socoto islamarkaana maalamaha soo socda la heli doono xubnaha ugu horeeya ee Puntland u matalaya Aqalka hoose.

Doorashadan, ayaa la filayay inay qabsoonto 23 bishii October, balse dib ayaa loo dhigay ilaa 05 November, 2016.

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee magaalada Garowe ka dhacdo doorashada caynkan ah, waxaana dib dadku u xasuusteen qaabkii caasumadda Puntland ahaan jirtay waqtiyada doorashada madaxda Puntland.

Warsidaha Garowe Online, ayaa akhristayaashiisa u ballanqaadaya inuu si hufan oo deg deg ah ugu soo gudbiyo waxyaabaha kasoo kordha doorashada iyo cidda kusoo baxda intaba.

ISHA KU HAYA GAROWE ONLINE-WAQTI KASTA-

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM