Qaramada Midoobay oo war culus kasoo saartay dilkii Caasha

Image

GALKACYO, Puntland - Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay falkii xoosha xumaa ee isugu jiray kufsiga iyo dilka ee gabar 12-sano jir ahayd loogu geystay magaaladda Galkacyo ee bartamaha Soomaaliya maalintii Isniinta.

"Aad ayaanu uga naxday dhimashada Caasha Ilyaas Aadan, oo si arxan daran loo dilay markii la qafaashay, la kufsaday laguna jirdilay waqoyga Galkacyo," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay UNFPA.

Caasha oo la weysanaa tan iyo subaxnimadii Axada oo waalidkeedu adeeg uga dirsaday Suuqa ayaa aroortii Isniinta meydkeeda laga helay meel ku dhow gurigooda, iyada oo uu jirkeedu ka muuqday dhaawacyo daran.

"Qaramada Midoobay waxay ay hogaaminysaa gulufka la doonayo in la soo afjaro dhibaateynta haweenka iyo gabdhaha, UNFPA-na waxay cambaareynysaa falkaasi foosha xun," ayaa lagu yiri bayaanka.

Iyada oo shacabka Soomaaliyeed ay si wayn uga dhiidhiyeen dhacadaan kuna tilmaamay wax aanan loo dul-qaadan karin ayaa Saraakiisha amniga waxay sheegeen in ay jiraan rag u xireen, kuwa kalena ay ku raad-joogaan. 

"UNFPA waxay ay garab taagan tahay qoyska Caasha, waxayna taageero u muujineysaa mas'uuliyiinta iyo bulshada u dhaqdhaqaaqda dagaalka ka dhanka ah heeb-soocida dumarka," ayaa laga soo xigtay warka.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, Jamciyada Qurumaha ka dhaxeysa ayaa dooneysa in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo kiiskaan, kaasi oo mar sii horeysay uu ku dhawaaqay Madaxwaynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

"[Kuwa falka sameeyay] waa in lagu fuliyaa Sharciga Dambiyada Kufsiga, kaasi oo dambi ka dhigaya dhamaan xad-gudubyada ka dhanka ah jinsiga ee ka dhaca degaanada Puntland," ayey tiri hay’adda UNFPA.

Falka wuxushnimada ah ee lagula kacay Caasha oo ahayd 12-sano ardayad dhiganeysa fasalka 6aad ee Dugsiga Dhexe ayaa kiciyey dareenka shacabka, kuwaasi oo dalbanaya in uusan lamid noqon kiisaskii hore.

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM