Qarax ka dhacay caasimadda Puntland ee Garowe

Image

GAROWE, Puntland – Qarax ayaa fiidnimada caawa oo Axad ah wuxuu ka dhacay caasimada dowlada Puntland ee Garowe, sidda ay sheegeen goobjoogeyaal kala duwan oo u waramay GO.

Warar horudhac ah ayaa tilmaamaya in weerarka lala bartilmaameedsaday gudoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xassan Xirsi [Gu'jir].

Nooca uu ahaa qaraxa ayaanan wali la ogaan. Saraakiisha ammaanka dhankooda wali fahfaahin buuxda kama aysan bixin dhacdadaas.

"Qaraxa oo la maqlay abaare 7:30 fiidnimo waxa uu ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska caasimada Puntland ee Garowe gaar ahaan halka loo yaqaano Barxada," sidaas waxaa yiri goobjooge.

 Ma cadda khasaaraha dhimasho ama dhaawac ee ka dhashay qaraxa oo lagu waramay in dhawaqiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaala madaxda.

Wallow aysan caddeyn sababta loo beegsaday, haddana lama ogga cidda ka dambeysa weerarkaas. Sidoo kale, illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyada dhacdadaas.

Garowe ayaa kamid ah magaalooyinka ugu nabad-gelyada wanaagsan gudaha Soomaaliya, waxaana xaqiijinta amnigeeda lagu bixiyaa dhaqaale iyo waqti badan, sidda uu maamulku shaaciyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM