Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay duleedka Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland - Qarax miino ayaa maanta oo Talaado ah ciidamo katirsan dowladda Puntland waxaa lagula eegtay duleedka magaalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Sarkaal katirsan ciidamada Puntland oo ku sugan gobolka Bari ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in hal Askari uu ku geeriyooday, saddex kalena ay ku dhaawacmeen qarax oo ka dhacay meel ku dhaw Galgala.

Miinada oo la dhigay jidka isku xira magaalada Boosaaso iyo Tuulada Galgala ayaa waxay haleeshay gaari nooca dagaalka ah oo ay la socdeen ciidamo ka tiran kuwa Puntland.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa kusii jeeday magaalada Boosaaso, iyagoo saaka kasoo ambabaxeen Galgala, halkaasi oo ciidamada Puntland iyo Al Shabaab ay isku hor-fadhiyaan.

Sarkaalka ayaa intaasi ku daray in askartii dhaawaca kasoo gaaray weerarka la dhigay xaruumaha caafimaadka ee ku yaalla magaaladda Boosaaso.

Ma jirto cid sheegatay qaraxan, balse dhulka buuraladeyda Galgala ayaa waxaa sanadihii la soo dhaafay uu dagaal ku dhex marayey ciidamada Puntland iyo Kooxda Al-Shabaab.

Qaraxyada noocan ah ee ciidamada Puntland lagula eeganayo aaga Galgala ayaa mudooyinkii dambe sii kordhayay, iyadoo Al Shabaab sidoo kale sare u qaadey dilalka ay ka fulinayso magaalada Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM