Qarax weyn oo ruxay Boosaaso iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

BOOSAASO, Puntland – Qarax jugtiisa si wayn looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso ayaa fiidnimadii caawa oo Arbaco ah ka dhacay bartamaha xarunta gobolka Bari.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca uu ahaa qaraxa. Fahfaahinta qaar ayaa ku warameysa in uu ka dhashay Miino, halka kuwa kalena ay warinayaan in ay ahayd bam gacmeed.

Sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta amniga, weerarka ayaa lala beegsaday ciidamada dowlada Puntland ee ku sugan kontaroolka wadada aada dhinaca xarunta wayn ee shirkada isgaarsiinta ee Golis.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada xiliga uu qaraxu dhacayay ay ku jireen howlgal ay ku xaqiijinayeen amniga caasimada ganacsiga Puntland.

Faarax Deeq, goobjooge ka akdhowaa meesha ay wax ka dhaceen, ayaa telafoonka u sheegay warsidaha Garowe Online, in qaraxa uu geystay khasaaro u badan dhaawac oo soo gaaray askar.

"Jugta qaraxa ayaan ka war-helnay … waanu kala cararnay … ciidamada ayaa meesha durba yimid … qofkii kasoo akdhowaadana wayba xirayaan," ayuu Faarax ku daray, isaga oo ay cabsi ka muuqato.

Xogo horudhac ah oo laga helayo hay’addaha amaanka ayaa ku waramaya in khasaaraha ciidamada kasoo gaaray weerarkaan ay gaareyso illaa iyo 5 askari oo dhaawc ah, inkasta oo ay kordhi karto.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada dhacdadaan oo kusoo aadaysa xili laamaha nabad-gelyada ay mudooyinkii dambe wadeen howlgalo ka dhan ah kooxaha sameeya falalka lidiga ku ah amaanka.

Maleyshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab ayaa inta badan ficilada kasoo horjeeda amniga ka sameeya Boosaaso xili xukuumada cusub ay wacad ku martay in ay xididaha u siibi doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM