QM oo bogaadisay doorka Puntland ee taabogelinta federaalka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysay ayaa ku ammaantay dowladda Puntland la go'naanshiyaheeda iyo taabogelinta nidaamka federaalka ee ay Soomaaliya qaadatay.

James Swan, wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Isniintii, socdaal ku tegay Garowe, caasimada Puntland.

Diblumaasigan Ameerikaan ah ayaa waxa uu la kulmay Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha dowladda Puntland.

Safarka Swan ayaa noqonaya midkii ugu horeeyay oo uu ku tago maamul goboleedyadda tan iyo markii uu Muqdisho yimid.

Sidda ku cad bayaan kasoo baxay xafiiska UN-k ee Muqdisho, Swan ayaa u doortey Puntland maadaama ay hormuud u tahay federaalka Soomaaliya.

"Isaga wuxuu u doortey in Garowe ay noqotay meeshii ugu horeysay oo ka baxsan caasimada qaranka waa in Puntland la aas-aasey 1998-dii, taasoo ka dhigeysa maamulka ugu da'da weyn federaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri.

Qaramadda Midoobay ayaa, sida ku xusan war-saxaafadeedka, waxay bogaadisay doorka Puntland ee taabogelinta nidaamka federaalka ee ka tisqaadey guud ahaan geyiga Soomaaliyeed.

"Hogaamiyeyaasha [Puntland] waxay door muhiim ah ay ka cayaareen horumarka socda ee ku aadan nidaamka federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka oo uu arkay warsidaha Garowe Online.

Puntland, oo lagu naaneeso "hooyada federaalka Soomaaliya" ayaa ahayd maamulkii ugu horeeyay ee ka aas-aasey, waxaana qaab dhismeedka maamulkan looga daysadey hirgelinta kuwa kale ee gedaal laga sameeyay.

Inkasta oo ay jirto guushaasi, haddana maamulkan oo jira 20-sano iyo bilooyin, ayaa ku guuldareystay in uu ka gudbo nidaamka qabiilka, wallow dastuurka maamulkan uu adkeynayo hirgelinta nidaamka xisbiyada badan.

Dowladii uu hogaaminayey madaxweyne Faroole haatana ah Senator ka tirsan Aqalka Sare ee federaalka, ayaa isku dayday in ay hirgeliso nidaamka xisbiyada badan, balse caqabado ayaa ka hor-istaagey.

Guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland ayaa dhowaan is-casilay, talaabadaasi waxaa loo arkaa fursad dahabi ah oo xukuumada Deni uga faa'ideysan karto dhismaha guddi hirgelin kara nidaamka axsaabta badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM