Qodobada ugu mudan khudbadii Deni ee xiritaanka Shirka Maalgeshiga

Puntland
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa arrimo dhaxal-gal ah ka sheegay gabagabada madasha afarta maalin socotay.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo soo xiray shirka maalgashiga Puntland ayaa wuxuu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga.

Deni oo hadlayey ku dhowaad 23-daqiiqo ayaa carabka ku adkeeyay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf ay u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey si ka fiican.

"Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab iyo Xukuumadba sharaf ugu tahay in shir noocan ah uu ku qabsoomo sidii loogu talagalay oo uu ku socdo wakhtigiisii oo ay kasoo baxaan wixii loogu talagalay inay kasoo baxaan".

Wuxuu raaciyey: "Aad baan ugu mahdcelinayaa intii kasoo shaqaysay oo ay ugu horeeyaan ciddii u xilsaarnaa qaban-qaabada shirkan iyo dhammaan hay’addaha dowladda oo kala shaqeeyey shirka".

Looma kala harin

"Shirkan dowladda Puntland uma aysan kala harin, ciidan, shacab iyo masuuliyiinba," ayuu hoosta ka xariiqay, isaga oo muujinaya in si wadajir ah loo wajahay qabsoomida Madasha.

Martida kulanka kasoo qeybgashay ayaa waxaa tiradooda ay gaareysay 400 ruux, kuwaasi oo isugu jira ganacsato Soomaali ah iyo kuwa shisheeye oo heer caalami ah.

"...Shirkan keliya ma ahayn Maalgashi waxaa ku jirey sidoo kale in dhaqanka iyo dabeecadda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland aan wax ka bedelno oo tusino in dadku kala shaqaystaan.

Dhalinyaradda ama dadka wax ku bartay dalka ayaa iska indha tira fursadaha ganacsiga ee dalka ka jira, iyaga oo kaliya diiradda saara arrimo ay kamid tahay siyaasadda.

"...Laakiin ra’yigaasi mid sax ah ma aha, anigu ganacsiga 10 jir baan ku bilaabay waxkasta oo ganacsi ahna waan ka shaqeeyey intiisa badan, iskuma xidhna inaad hadaf aan leedahay xaqiijisid inaad dowladda u shaqaysid," ayuu tibaaxay.

Shaqo abuur

Mudadii uu shirku socday ayaa waxaa shirkado ganacsi ay ku dhawaaqeen maalgeshi balaaran oo ay ku sameyn doonan gudaha Puntland saddexda sano ee soo aadan taasi oo shaqo abuur u ah da'yarta.

"...Waa wax wanaagsan in la abuuro fekred wax tarleh, waan ka mahadcelinayaa in shirkadda DHOWEEYE ay u shaqeyaan 7, 000 oo qof," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay maalgashi Puntland ka samaynayaan ganacsato Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo shirkan qayb ka ahaa.

“Waxaan rabaa inaan idiin dulmaro dadka goostay in sadexda sano ee Soosocda ay Puntland maalgashtaan waxay wadartoodu dhantahay 464 Million shirka ayaa laga dhaxlay in dadku ogaado, dowladduna ogaato qorshaha maalgelintaas".

Ka qeyb-galeyaasha qaarkood ayaa waxay isugu jireen qaar Soomaali ah oo dalka ay ugu dambeysay muddo sanado badan ah iyo kuwa ay u ahayd markii ugu horeysay oo Afrika iyo Soomaaliya yimaadan.

"...Waxaan arkay intaan shirkan joogney oo aan la kulmaayey martida laba qof oo markii ugu horaysey Africa timi, gaar ahaan Puntland yimid, waxaa sababay inay yimaadaan muhiimadda shirkan, waana dhicikartaa dadkale inay jiraan oo aanan ani arag".

Gabagabadii, Deni oo hoosta ka xariiqay in Puntland si buuxda ugu diyaar garoobayso maalgashi caalamiya oo wax badan soo kordhiya ayaa xaqiijiyey in dedaalka ugu badan lagu bixinaayo ka si faynta dalka Ar-gagixisada.

GAROWE ONLINE

Wararkii ugu dambeeyey