Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka oo laga sugayo Garowe

Image

Jimce, October 10, 2014 [GO]- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas,  ku-xigeenkiisa Cabdixakiim Camey, Gudoomiayaha Barlamanka, xubno ka tirsan labada gole iyo dadweynaha magaalo madaxda Garowe ayaa ku sugan garoonka diyaardaha halkaas oo la filayo inuu dhowaan kasoo dago Ra'isal wasaaraha dowlada Federaalka Cabdiweli Shiikh.

Waftiga Ra'isal wasaaradaha oo salaan sharaf ka qaadan doona cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland ayaa la filayaa in loo galbiyo xarunta Madaxtooyada Puntland halkaas oo ay kula hadli doonaan saxaafada.

Ra'isal wasaaraha Somalia oo ah booqashadii ugu horeysay uu ku yimaado magaalo madaxda Garowe ayaa wadahadal la gali doono dowlada Puntland sida la qorsheynayo.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa xukuumadiisu horey u sheegtey in xiriirka mar labaad u jartey dowlada Federaalka iyadoo qoraalkii kasoo baxey Madaxtooyada lagu sheegey in beesha caalamka goob joog ka ahaan doonto wdaahadalkaas.

Dhinaca kale waxaa laga soo dayrinayaa xiriirka u dhexeeya labada mas'uul ee ugu sareeya dowlada Federaalka Somalia taasoo mugdi galin karta fulinta hadiiba heshiis laga gaaro khilaafka tagaan. Dowlada Madaxweynahii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole ayaa horey kulamo noocaan ah ula qaatey madaxda dowlada Federaalka kuwaasoo heshiisyadii laga gaarey aysan fulin.

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa ku martiqaadey magaalo madaxda Puntland Madxweynihii hore DFKMG ah Shiikh Shariif, Ra'isal wasaarayashii la soo shaqeeyey [ Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Cali Gaas] iyo Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Shiikh, Ra'isal wasaarayaashii la soo shaqeeyey uu kamid ahaa Saacid. Dhamaan kulamadaan ayaa lagu gaarey heshiisyo dhaxalgal ah kuwaasoo aysan waxba ka hirgalin. 

Waxaan idiin soo gudbin doona sawirada, warsaxafdeedka iyo dhamaan wararka la xiriira booqahsdaan.

Taladaada ka dhiibo safarka Ra'isal wasaaraha Somalia waxa u soo kordhin karo islamarkaana wax ugu badali karo xiriirka xun ee labada dhinac si hufan.

GAROWEONLINE -

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM