Booliska gobolka barri oo rabshadi dhexmartey ardey [Dhagayso]

Image

13 Octobar, 2015(GO)-Ciidamada booliiska gobolka Bari ayaa saaka xoog ku galay iskuul ku yaalla magalada Bosaso, waxaana ka dhashay rabshado dhexmaray booliiska iyo arday dhigata dugsiga sare ee Al-Najax.

Ciidanka ayaa xabsiga dhigay maamulaha iskuulka ka dib markii uu codsaday in iskuulka laga saaro askarta maadama ay tahay goob waxbarasho.

Ciidamada ayaa daba joogay sida laga soo xiganayo qaar ka mid ah macalimiinta iskuulka, arday la sheegay inay rabshado ka sameeyeen gudaha degmada Bosaso.

Xariga maamulaha iskuulka ayaa sababay rabshad ardaydu sameeyeen, taasoo markii dambe dhalisay in ciidanka booliisku adeegsadaan xabado nool oo dhawacay qaybo ka mid ah arday waloow ay ahaayeen kuwa fudud.

Taliyaha booliiska Bari Gaashaanle Sare Cabdixakiim Yuusuf Xuseen oo warbaahinta kula hadlay Bosaso, ayaa cadowga Puntland ku tilmaamay ardayda iyo maamulka iskuulka, wuxuuna mulkiilayaasha Al-Najax ugu baaqay inay ka waantoobaan falkaasi, isagoo khasaarihii dhacay dusha uga tuuray cidda leh goobtaasi waxbarasho.

Cabdixakim Yusuf Xuseen qaybta gobolka Bari ayaa xusay in iskuulka Al-Najax albaabada isugu laabayaan’ iyagoo kala kaashanaya wasaaradda waxbarashada’ wuxuuna midaa ku sababeeyey inaysan u arag goob waxbarsho’ balse ay tahay meel laga abaabulo amaan xumada.

Qaar ka mid ah  ardayda ayaa VOA-da u sheegay in iskuulkoodii laga dhigay goob dagaal taasina dhalisay inay rabshad sameeyan, wuxeyna booliiska ku eedeeyeen inay ku ridayeen xabado ku talo gal ah.

Rabshadda maanta ka dhacday Bosaso ayaa dadka qaybtii u arkaan inaysan ahayn mid haboon maadama tahay arrin lagu dhamayn karo dacwad madani ah iyo siyaabo kale, waxayna meesha ka saareen in ciidan hubaysan lala tago goob waxbarasho.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli xukuumadda Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas joojisay hawgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab oo laga fulin jiray gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM