Radio Garowe oo bilawday gurmadka abaaraha Gado

Image

October 21, 2014 (GO)- Waxaa habeenimadii xalay Radio Garowe ka bilowday barnaamij gurmad ah oo dhaqaale loogu aruurinayo qoysaska ku tabaalaysan gobalka Gedo oo aan roobab ka da'in labadii sano ee lasoo dhaafay.

Barnaamijkan waxaa marti ku ahaa oo dadka la hadlayay Shiikh Cabdiqani Qorane iyo wasiiru dowlihii hore ee mamul wanaagga madaxtooyada Maxamed Faarax Ciise Gaashaan iyo Shiikh Jaamac Siciid, waxayna dadka u iftiimiyeen xaaladda qoysaska Gedo iyo sida ay ugu baahan yihiin in gurmad deg deg ah loo sameeyo.

Shiikh Cabdiqani Qorane ayaa sheegay shacabka Puntland inay yihiin kuwo u nugul caawinta dadka tabaalaysan ayna muhiim tahay inay dhaqaalahooda ku taageeraan kumanaanka qoys ee Gobalka Gedo gaajada iyo haraadku ku hayso.

Wararka ka imaanaya Gobalka yaa tilmaamaya inay dad badan qarka u saaran yihiin inay macaluul ugu geeriyoodaan meelaha ay ku sugan yihiin maadama aan la goyn karin qiimaha biyaha gobalka la keenayo.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa horay ugu baaqay inay waajib ku tahay shacabku inay garab istaagaan oo ay caawiyeen dadka Gedo oo u baahan caawinaad deg deg ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM