Radio Garowe oo bilowday gurmadka Qaraxii Zoobe

Image

GAROOWE, Puntland- Warbaahinta Radio Garoowe oo ah Idaacad Madax -bannaan islamarkaana ay bah-wadaag la ah Garowe Online ayaa bilaabaysa maanta Olole loogu gurmaynayo dadkii ku waxyeelloobay qaraxii Sabtidii hore ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Idaacadda oo fadhigeedu yahay caasimadda Puntland ayaa maalmaha soo socda baahin doonta Barnaamijyo taakulo ah oo dadweynuhu kaga qayb qaadanayaan khadadka taleefonka si kaalmo looga aruuriyo dhagaystayaasha Radio Garowe ee gobolka Nugal.

Agaasimaha Idaacadda Radio Garowe Axmed Cawili Jamac, ayaa sheegay in barnaamijkan uu kamid noqonayo gurmadyo horay idaacadu u samayn jirtay waqtiyada adag taasoo ay ugu dambaysay gurmadkii Abaartii ugu dambaysan ee dalka Soomaaliya ku dhufatay.

“Waxaan soo furnay Akoono dadweynuhu kusoo dirayaan lacago, sidoo kale waxaan aruurinaynaa taakulada kale ee dadka gobolka Nugal ku nool ay gaarsiinayaan walaalahooda dhibaataysan ee ku sugan magaalo madaxda dalkeen ee Muqdisho.” Ayuu yiri Axmed Cawil Jaamac.

Wuxuu intaas ku daray in banaamijkan ay sii wadi doonaan inta xaaladda adag laga baxayo, isagoo ugu baaqay bulshada inay caawiyaan walaalahooda ay saamaysay dhibaatadii ka dhacay is-goyska Zoobe.

Idaacadda Garowe ayaa kamid ah warbaahinta ugu af-ka dheer Puntland, waxaana barnaamijkan uu qayb ka noqonayaa dedaalada dadweynuhu wadaan ee lagu caawinayo dhibanayaasha qaraxii 14 October, ka dhacay Xamar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM