Puntland: Burcadd Markabka afduubtey oo Madax-furasho dalbaday

Image

GAROWE, Puntland- Wararka laga helayo Markab Isniintii lasoo dhaafay lagu qafaashay xeebaha Puntland, ayaa sheegaya in raggaasi dalbadeen lacag Madax-furasho aan la aqoon cadadkeeda.

Arrintan, waxaa shaaciyay hawlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Somalia.

Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa xiriir la sameeyay ragga hubeysan ee afduubtay markabaasi oo lagu magacaabo Aris 13.

Markabka la haysto, waxuu ku gooshayay Calanka Sri Lanka , balse waxaa maamusha shirkad fadhigeeedu yahay Imaaraadka Carabta.

In kastoo ay faah faahin ka bixin cadadka lacagta ay kusii daynayaan Markabkan, hadana waxay ku doodeen in laga bur-buriyay hanti tiro badan.

Markabkan oo wada shidaal iyo badeecooyin ganacsi ayaa ka soo shiraacday Jabuuti islaamrkaana ku socday magaalada Muqdishu ee caasumadda Somalia.

ka hor intuusan ka bixin khadka, wuxuu ku wargaliyay shirkadda iska leh inay raac-daysanayaan doomo dheereeya.

Waxaa saaran Sideed kamid ah shaqaale u dhashay dalka Sri Lanka sida ay xaqiijisay Wasaaradda arrimaha dibedda.

Kooxaha ayaa horay u sheegay inaysan ahayn Burcad, balse tallaabadan ku kaliftay markii lagula kacay jariif xad-ka dhaafsiisan.

Cali Shire Maxamed Cusmaan oo ah guddoomiyaha degmada Caluula oo u dhaw goobta lagu hayo markabka la qafaashay ayaa BBC-da u sheegay inuu isku dayayo inuu ogaado in dableydani ay dhab ahaantii yihiin kalluumaysato ama burcad badeed abaabulan.

Puntland, ayaa qorshaynaysa inay soo furato markabkaas, waloow kooxaha haysta ay ka digeen in xoog loo adeegsado sii daynta Markabka gacantooda ku jira.

Waa tallaabadii ugu horaysay ee lagula kaco markab maraya biyaha Somalia, wixii ka dambeeyay sannadkii 2012 markaasoo lasoo afmeeyay falalkii Burcad-badeeda.

Arrintan ayaa kusoo aaday xilli Puntland biyaha kusii daysay maraakiib Jariiflayaal ah oo haysta ruqsad ay u jartay xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM