RW Khayre iyo Senator Farole oo Garowe ku kulmay [Sawirro+Muuqaal]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa booqasho ugu tagay Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo kamid ah golaha aqalka sare ee dowladda Soomaaliya.

Farole ayaa hoygiisa Garowe kusoo dhaweeyay Ra’isal wasaaraha, waxayna qaateen kulan socday muddo kooban oo ay uga hadleen xaaladda waddanka gaar ahaa, Adkaynta dowladnimada Soomaaliya, doorashooyinka soo socda, dib u heshiisiinta dalka, Dastuurka iyo dadajinta wadahadalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Senato Farole ayaa oo la hadlay Warsidahan ayaa faah faahin ka bixiyay kulankii uu la qaatay RW Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu kusoo dhammaaday is-afgarad.

“Waxaan maanta halka ku kulanay oo Gurigayga iigu yimid Ra’isal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo aan kuwada shirnay halkan,” ayuu yiri Farole oo intaas ku daray “ RW Waxaan kawada hadalnay amuuro caama ah oo ku saabsan dowladnimada Soomaaliya maadaama aan ahay nin oday ah golaha sarana ku jira odoyaashii Puntland ee asaasayaashiina ah madaxna kasoo ahaan jiray, talooyin buu iigu yimid ku saabsan waxa ay ka shaqaynayaan iyo waxyaabaha soo aadan.”

Isagoo sii hadlaya wuxuu intaas ku daray Senator Farole, “Amuuro dhowr ah ayaan kawada hadalnay oo ku saabsan dowladnimada Soomaaliya iyo sidii loo adkayn lahaa, sida doorashooyinka soo socda u dhici lahaayeen, wixii arrimo ahaa ee la isku hayn jiray oo la rabo inaysan dib u soo noqon, sidii dib u heshiisiin loo samayn lahaa oo kala dhintay mid heer qaran ah iyo mid deegaan iyo heer maamul goboleed hadii ay jiraan, waxaana kaloo kawada hadalnay in la dadajiyo wada-hadalka Somaliland oo lala hadlo oo waxay tabanayaan la maqlo oo ajande aan qarsoonayn dhinac kaga jirin, waxaana kawada hadalnay in waddankaan midnimadiisa ay tahay lagama maarmaan oo meel looga soo wada jeedsato cid walba dhibaato ku haysa.”

Senato Farole ayaa RW ka codsaday inuu ka faa’iidaysto firfircoonida ku jirta oo u waqtiga haray wax la taaban karo ku qabto, isagoo sidoo kale bogaadiyay waxyaabaha hormarka ah ee ay ku taallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Khayre ayaa kamahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, wuxuu xusay inuu aad ugu faraxsanyahay la kulankiisa Senator Farole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM