RW Khayre oo khudbad u jeediyay Dhalinyarada Garoowe [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Ra’isal wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta khudbad u jeediyay boqolaal kamid ah dhalinyarada ku dhaqan xarunta maamulkan, isagoo kala hadlay arrimo kala duwan oo ay ku jirto xaaladda dalku marayo.

Kulankan oo ahaa mid horay loo sii qorsheeyay, waxaa ku weliyay madaxda Puntland iyo mas’uuliyiin katirsan golayaasha dowladda Federaalka.

Inkastoo waqtiga u badan shirkaas la siiyay Ra’isal wasaaraha, ayaa Madaxweyne Gaas wuxuu jeediyay khudbad kooban oo uu diiradda ku saaray sidii dhalinyarada loogu jihayn lahaa tubta toosan islamarkaana loogu barbaarin lahaa inay noqdaan mustaqbalka kuwii dalka wax ka badali lahaa.

Xasan Cali Khayre oo la hadlayay dhalinyarada in kabadan 30 daqiiqo ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu leeyahay rajo ka wanaagsan midka ay haystaan waddamo badan oo caalamka kamid ah.

Wuxuu sheegay in dalku soo maray marxalado kala duwan, balse maanta uu helay fursad lagu soo kabsan karo, wuxuuna dhalinyaradii shirka joogtay ka codsaday inay ka faa’iidaystaan waqtigaas.

RW ayaa sidoo kale ammaanay xukuumadda uu hogaamiyo isagoo sheegay in mudadii ay xafiiska joogeen sameeyeen isbadalo la taaban karo oo ay ugu muhiimsantahay kor u qaadista Dhaqaalaha, hakinta daymihii la gali jiray, yaraynta musuqa iyo kor u qaadista ganacsiga.

Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale soo hadal qaaday arrinta ka taagan gobolka Sool gaar ahaan colaadda Tukaraq, wuxuuna ku baaqay in lagu xalliyo wada hadal lagu sameeyo dalka gudahiisa, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in soddon sano kadib lagu laabtay dagaallo sokeeye.

RW oo sii hadlaya, wuxuu kaloo tilmaamay in dowladda Federaalka ay samaysay qorshe horseed ka noqonaya in la yareeyo khilaafaadka soo noq noqda ee u dhaxeeya DFS iyo maamul goboleedyada, muranka Dastuurka iyo sidii lagu gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah sannadka 2020ka.

Ugu dambayn RW Soomaaliya ayaa dhalinyarada ka codsaday inay noqdaan kuwo door ku yeesha soo celinta rajada shacabka iyo hagaajinta dalka.

Khudbadda Khayre uu maanta ka jeediyay Jaamacadda Bariga Africa ayaa la mid ahayd kuwii uu jeedinayay tan iyo markii xilkan loo doortay sanandkii hore, waxayna kusoo aaday xilli uu sannad iyo bar kadib markii ugu horaysay uu soo booqday Puntland.

Dhanka kale markii uu kulankaas dhammaday Khayre ayaa ka qayb galay qado sharafeed ay u sameeyeen isimadda gobolka Nugal oo lagu qabtay duleedka Koonfureed ee caasimadda Puntland.

Xasan Cali Khayr ayaa ilaa todobaadkan joogi doona deegaanada Puntland, waxaana la qorshaynayaa inuu tago deegaanka Garacad ee gobolka Mudug inkastoo aan la shaacin waqtiga uu tagayo iyo cidda wehelin doonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM