R.W. Somalia oo guddi u saaray xaaladda Gaalkacyo

Image

Sept 27, 2014 (GO)-  Qoraal maanta kasoo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa loogu baaqay Puntland iyo Galmudug inay xal ka gaaraan xiisada ka aloosan magalada Gaalkacyo gaar ahaan garoonka Cabdilaahi Yuusuf.

Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay inuu madaxda labada dhinac kala hadlay sidii arrinta taagan loogu dhamayn lahaa nabadda iyo deganaasho.

Docda kale wasiirka koowaad ee Dowladda Federaalka ayaa soo dhoweeyay waanwaanta socota si xal looga gaaro xaaladda cakiran ee garoonka. Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu soo jeediyey shantan qodob ee hoose:

1. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Puntland iyo Galmudug inay joojiyaan wax kasta oo keeni kara xiisad colaadeed;

2. In shuruud la’aan la fasaxo dhammaan adeegyada duulimaadyada ee degaankaasi;

3. In dhakhso la bilaabo wadahadal lagu dhammaynayo khilaafka garoomada;

4. Xukuumadda Federaalka waxay ballanqaadaysaa inay fududeyso qabsoomidda wadahadalka iyo dhamaystirka khilaafka labada dhinac;

5. Xukuumaddu waxay u dirtay labada maamul guddi khuburo ah oo kala shaqeeya arrimaha farsamo ee duullimaadyada.

Guddi matalaya Dowladda Federaalka ah ayuu Cabdiwali Shiikh usoo macaabay khilaafka labada maamul si wax kasta loogu dhameeyo qaab wada hadal.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdi Xasan Qaybdiid oo warbaahinta la hadlay ayaa ku goodiyay inuu weerari doono diyaaraddii danbe ee kasoo degta garoonka Cabdilaahi Yuusuf.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in shaqada garoonku ay si caadi ah ku socoto. Shir xaalada garoonka looga hadlayo waxaa isla garoonka ku qabtay wasiirka Amniga iyo Gudoomiyaha Gobalka Mudug.

Xaalada Gaalkacyo ayaa u muuqata mid degan walow wararka la helayo sheegayaan qoysas badan inay xalay ka carareen xaafadda Baraxleey ee Koonfurta Gaalkacyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM