Sababta aan wali loo fulin xukunka kiiska Caasha oo la sharaxay

Image

GAROWE, Puntland – Garsoorka dowladda Puntland ayaa ka warbixiyay sababta aan wali loo dhaqan-gelin xukunka dilka toogashadda ah ee gal-dacwadeedka kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas.

Gudoomiye ku xigeenka ahna ku simaha gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Nuur Ciise Maxamuud oo sheegay in aysan jirin cid hortaagan fulinta ayaa xusay in ay jawaab ka sugayaan xeer-ilaalinta.

Kiiskan oo bishii Febraayo, sanadkii hore 2019 ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa loo xukumay saddex qof oo "lagu helay" fal-dambiyeedkaas.

Xukumaneyaasha oo midkood uu qirasho sameeyay ayaa kala ah; Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame.

Xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa ku riday Maxkamadda Darajadda koowaad ee gobolka Nugaal, 12-ka bishii May, 2019.

Maxkamadda Rafcaanka ee isla gobolka ayaa 30-ka June, 2019 waxay ayiday go’aanka Maxkamadda Darajadda Koowaad.

25-ka bishii August, 2019, Maxkamadda Sarre ee Puntland ayaa go’aan rasmi ah kasoo saartay kiiska iyaddoo raacday xukunadii hore.

Maxamuud oo sharaxaya sababta aan wali loo fulin xukunka ayaa sheegay in ay xeer-ilaalinta ka sugayaan galkii fulinta oo ay ku lifaaqan yihiin warqadihii dhaxal-koobka iyo codsigii qoyska Caasha ee qiaaasta.

"Xeer-ilaaintu waa run in ay noosoo gudbisay galkii fulinta xukunka, balse waa mid kala dhiman sababtoo ah kuma aysan soo lifaaqin warqadihii dhaxal-koobka iyo dalabka qoyska dhibanaha ee qisaasta," ayuu yiri.

Sidda laga soo xigtay Maxamuud, Maxkamadda Sarre waxay laashay codsi dib-u-eegis kiiska ku wajahan oo ay gudbiyeen qareenada xukumaneyaasha.

Mar la waydiiyey hadii madaxweynuhu door ku leeyahay fulinta kiiska wuxuu raaciyey "madaxweynaha kaliya wuxuu saxiixaa kiiska, fulinta waxaa qaabilsan hay'addaha garsoorka".

Kiiska Caasha Ilyaas Aadan oo taariikh cusub kusoo kordhiyey Soomaaliya ayaa noqday galkii ugu horeeyay ee xukunkiisa lagu saleeyay habka casriga ah ee baaritaanka tacadiyada jinsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM