Saciid Deni oo ka hadlay Wareysi uu bixiyay Madaxweynaha Puntland

Image

GAROOWE, Puntland - Siyaasiga Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Wareysi uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" bixiyay kaasi oo kaga hadlay arrimaha doorashooyinka 2019.

Deni ayaa ku boogaadiyay Madaxweyne Gaas sida uu u dhowray Dastuurka Puntland, gaar ahaan qodobkiisa qeexaya mudo Xileedka iyo inuu shacabka ka shaafiyay shaki kaga jiray qabsoomideeda doorashada waqtigeeda.

Madaxweyne Gaas oo waqtiga xafiiska uga harsan wax ka yar 10 bilood ayaa ka dhawaajiyay shalay [Arbaco, Febuary 7, 2018] in isaga iyo Xukuumadiisa aysan doonaynin mudo korarso, waxaana uu balan qaadey in doorashada ay dhacayso January 8, 2019.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii dhawaan ay Siyaasiyiinta ku midoobay Puntland Focus Group, oo uu kamid yahay Saciid Deni ay ka digeen Mudo korarsi aan sharci ahayn iyo dib u dhac ku yimaado Doorashada. Halkan ka akhri.

Cabdiweli Gaas ayaa Wareysi gaar ah siiyay BBC-da kadib markii Siyaasiyiinta Focus Group ay cadaadis ku saareen inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan doorashada Puntland 2019-ka, maadaama dadku ay qabaan walaac iyo tuhun badan oo ku aadan in Xukuumadiisa ay rabto mudo korarsi.

Mudane Saciid Deni ayaa dhanka kale Isimada Puntland ku boorinaya in ay gutaan wajibaadkooda siinaya in ay soo Xulaan xubnaha Baarlamaanka cusub, iyagoo la kaashanaya Nabadoonada iyo waxgarad ka beelahooda.

"Waxaana xasuusinaya in marxalad adag ay Puntland marayso sidaas daraadeed ay dalka iyo dadkaba u turaan oo ay soo xulaan xubno masuuliyadaas buuxin kara iyagoo ilaalinaya midnimada beelahooda iyo baahida Puntland ay u qabto xubno mateli kara oo laysla wada ogol yahay si loo gaaro maamul Dowladeed oo hana qaada," ayuu yiri Deni.

Siyaasigan ayaa sidoo kale qaybaha bulshada oo ay ugu horeeyaan dhalinyarada in ay ahmiyad siiyaan sidii ay u dhici lahayd doorasho hufan oo laga wada qayb qaatay si aan hadhow cid gaara loo dhaliilin.

"Maanta waa maalintii talada ....talada lawada leeyahay baa horumar lagu gaara," ayuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay Saciid Deni, isagoo Guul iyo Baraare u rajeeyay shacabka Soomaliyeed iyo kan Puntland.

Siciid Deni ayaa horey usoo noqday Wasiirka qorsheynta dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Xildhibaan, isagoo doorashadii 8-dii bishii Febuary ee 2017-ka u tartamey xilka Madaxweynaha Soomaaliya isagoo kamid ahaa Musharaxiin tartanka la galay Farmaajo oo natiijada doorashada Soomaaliya saameynta balaaran ku yeeshay.

Deni ayaa waxa uu soo qabtay Shaqooyin badan, waxa uu kaalin ka soo qaatay Waxbarashada Dalka, Koboca dhaqaalaha, isagoo intii uu ahaa Wasiirka Qorsheynta Dowladda Soomaaliya qabtay Howlo badan oo ay ka mid yihiin Tirakoobka Dadka, Qorshaha Siyaasadda Qaranka iyo hirgalinta Barnaamijka Hiigsiga Cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM