Siyaasiyiin Walaac ka muujiyay Xaaladda Puntland, baaqna u diray Gaas

Image

Siyaasiyiin ku midoobay Madasha {Puntland Focus Group] ayaa soo saarey bayaan ay uga hadlayaan xaaladda hadda ay marayso Puntland, iyadoo baaq u diray Xukuumadda waqtiga uu ka dhamaanayo ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” .

Bayaanka oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa waxaa diiradda lagu saarey arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin duulaankii Somaliland ee Tukaraq, Doorashada Puntland 2019-ka, Amniga iyo arrimaha Dastuurka Federaalka.

Doorashada Puntland 2019

Waxay ka digtay Madasha Puntland Focus Group mudo korarsi ay sameyso Xukuumadda Madaxweyne Gaas, taasi oo ay sheegtay inay jebinayso Dastuurka Puntland, qodobkiisa 79aad oo xadidaya mudo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo shan sano ah.

Puntland Focus Group ayaa sheegtay in haddii Xukuumadda Madaxweyne Gaas ku guul-dareysato in Doorashada ay waqtigeeda qabato ay keeni karto dhibaatooyin horleh oo ay kamid yihiin deganaansho la’aan Siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne.

Waxay xasuusisay Madasha shacabka Puntland dagaalkii Sokeeye ee 2001 illaa 2003 kaasi oo ka dhashay isku day mudo korarsi ah oo ay sameysay Xukuumadii Xilligaasi shaqeynaysay, iyadoo ay colaadda horseeday dhimasho badan iyo barakac xooggan.

Puntland Focus Group ayaa ku baaqday in la xushmeeyo laguna dhaqmo Dastuurka Puntland, oo aysan dhicin wax mudo korarsi ah marka uu dhamaado watiga Xukuumadda Gaas, lana qabto Doorashada January 8, 2019-ka.

Amniga Puntland

Puntland Focus Group ayaa sidoo kale ka hadashay xaaladda amni ee Puntland, oo mudadii 4ta sano ee uu Madaxweyne Gaas xafiiska joogay ay ka dhaceen weeraro Taariikhda Puntland baal mugdi ah ka galay oo Askar iyo shacab badan lagu dilay kuwaasi oo uu kamid ahaa weerarkii Af Urur.

Waxay Puntland Focus Group ku baaqday in la adkeeyo amaanka gudaha iyo Xuduudaha Puntland, sida uu qabo Dastuurka, oo laga dhigo sugida amniga ahmiyada koowaad maadaama ay soo dhawdahay doorashada.

Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland Focus Group ayaa soo hadal qaaday hanaanka dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya kaasi oo mudooyinkii dambe uu khilaaf ka taagnaa wadada loo marayo dib u eegistiisa iyo wadatashiga laga sameynayo intaba.

Waxay Madasha Puntland Focus Group ku baaqday in hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya uu noqdo mid hufan, loo dhan yahay islamarkaana ka tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Markii dib u eegista lagu sameeyo, Waa In aan afti dadweyne lagu sameyn Dastuurka Federaalka inta lagu guuleysanayo wadahadalka Dowlada Soomaaliya iyo Somaliland.

intaasi ka horeeya, Puntland waa inay ku dhaqantaa awoodaha Dastuurkeeda uu  ansixiyay Baarlamaanka April 18, 2012 kaasi oo u baahan la dhowro laguna dhaqmo, iyadoo loogu adeegayo shacabka reer Puntland danahooda.

Dowladda Puntland waxaa doortay shacabka oo ay matasho, waxaana looga baahan yahay inay ku shaqeyso Dastuurka u yaalla, kaasi oo faraya inay ilaaliso amaanka muwaadiniinteeda xuduudaheeda iyo khayraadkeeda .

Xaaladda Tukaraq

Ugu dambeyntii, Puntland Focus Group ayaa ugu baaqday Somaliland inay si deg deg ah Ciidamadeeda ugala baxdo deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, oo 8-dii January ka qabsatay Ciidamada Difaaca Puntland, iyadoo madasha dhanka kale ka digtay deganaansho la,aan iyo colaad ka dhacda gobolka.

Dowladda Madaxweyne Gaas ayaan wali wa jawaab ah ka bixin duulaankii Somaliland ee Tukaraq, iyadoo dhanka kale aysan shacabkeeda la wadaagin xogta ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo looga hadlayo arrimo khatar gelin kara jiritaanka maamullada Federaalka dalka.

Bayaanka waxaa ku saxiisan:

  1. Cali Xaaji Warsame
  2. Faarax Cali Shire
  3. Xaaji Maxamed Yaasiin
  4. Ciise Maxamuud Faarax (Dhollowaa)
  5. Khaalif Ciise Mudan
  6. Maxamuud Axmad Xasan (Dhagaweyne)
  7. Dr Maxamed Salaad (Qoryoley)
  8. Saciid Cabdullaahi Dani
  9. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir)
  10. Cabdi Faarax Saciid (Juxa)

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM