Safiirka China oo ammaanay Puntland [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Safiirka dowladda China u fadhiya Soomaaliya, Qin Jian, ayaa maanta si wadajir ah saxaafadda ugula hadlay magaalada Garoowe, waxyar ka hor intuusan duulin Danjiraha oo booqasho labo maalin ah ku joogay caasimadda Puntland.

Shir Saxaafadeedkan ayaa labada mas'uul uga hadleen waxyaabihii kasoo baxay shirar u socday tan iyo markii uu yimid safiirku Puntland, iyo booqashooyin uu ku marayay xarumaha dowladda.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in safiirka ay kawada hadleen hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo sidii ay u samayn lahaayeen xiriir ka dhexeeya Puntland iyo dowladda China, isagoo intaas ku daray inay isla soo qaadeen sidii Kambaniyada dalkaasi maalgashi ugu samayn lahaayeen gobolka oo kamid ah meelaha ugu nabdoon dalka Soomaaliya.

Gaas ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in natiijo fiican kasoo baxdo kulamadii u dhaxeeyay isagoo wax lagu farxo ku tilmaamay in Jian uu yimaado Puntland.

Danjiraha oo isna ka hadlayay waxa uu Puntland ku arkay ayaa xusay in maamulkan uu gaaray guulo la taaban karo, sida wax ka qabashada amniga, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha isagoo fariin u diray shacabka reer China oo ka codsaday in maalgashi lagu sameeyo Puntland oo sida uu yiri ah maamulka dowlad goboleedyada ka jira Soomaaliya ugu weyn.

"Anigoo ah safiirka China waxaana ka codsanayaan dadka reer China inay maalgashi ka samayntaan Puntland oo ah meel aad u qurux badan, amni ah," ayuu yiri Safiirka oo intaas raacshay in Shirkadaha dalkaas ay diyaar u yihiin inay gobolka wax u qabtaan isagoo tasaale usoo qaatay shirkadda CCECC ee dhistay Garoonka diyaaradaha Boosaaso hadana qaadatay mashruuca lagu dhisayo Garoonka diyaaradaha Galkacyo, wadada isku xirta Eyl iyo Garoowe oo gobolka Nugal katirsan.

Jian ayaa intaas raacshay inuusan noqon doonin socdaalkiisan uusan noqon doonin kii ugu dambeeyay ee ku yimaado Puntland, balse uu soo noqon doono marar kale gobolkana ay wax ka qaban doonaan islamarkaana ay ka samayn doonaan mashaariic hormarineed.

Safiirka ayaa shirkaas jaraa'id kadib booqday xarumaha Wasaaradaha Maaliyadda, Deegaanka iyo xafiiska Puntland u qaabilsan Macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah isagoo xog waraysi la yeeshay wasiirro iyo agaasimayaal.

Danjirahan ayaa dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya, isagoo badalay safiirkii hore ee Soomalidu u taqaanay Warsame Geel Jire kaasoo booqashooyin badan ku yimid Puntland isagoo markii ugu dambaysay ka qayb galay xafladii lagu daah furayay Garoonka diyaaradaha Boosaaso.

HALKAN KA DAAWO SHIRKA JARAA'ID OO DHAMMAYSTIRAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM