Puntland oo saraakiil boolis shaqada uga joojisay muuqaal la faafiyey

Image

GAROWE, Puntland – Taliyaha booliska dowladda Puntland, Cabdi Xuseen Xasan [Cabdi Yarre] oo war-fidiyeenka ugu waramay caasimadda Garowe, ayaa shaqo joojin ku sameeyay labba sarkaal oo ka howlgasha Qardho.

Taliye ku xigeeenkii Booliska gobolka Karkaar, Jaamac Cismaan Qarey, iyo Taliyihii saldhigga degmada Qardho, Cumar Hiirad Kaatun, ayaa lala xiriiriyey muuqaal carro laga muujiyey oo dhalinyarro laga duubay.

Muuqaalkaas oo baraha bulshadda lagu faafiyey waxaa kasoo muuqdey gabdho iyo wiilal lagu waramay "in ay ku caweynayeen duleedka magaaladda" isla markaana ay booliska howlgal kusoo qabteen.

Cabdi Yarre ayaa sheegay in kadib dhacdadaas ay qaadeen laba talaabo oo ah guddi baaritaan oo uu hogaaminayo ku xigeenkiisa oo loo diray magaaladda iyo shaqo joojin lagu sameeyay labadda sarkaal boolis.

"Wixii meeshaas ka dhacay ee [muuqaalka] ka muuqdey ma ahayn wax ku fiican sumcadda iyo magaca booliska runtii, mana ahayn wax u qalma bulshadeena oo aan annagu iyaga u adeegno iyagana aan ka nimid, marka arrintaasi dhacdo dhacdey ayay ahayd oo ku dhacday aqoon darro iyo sharci xumo ayay ku dhacday," ayuu u sheegay warbaahinta maxaliga.

Guddiga ayuu xusay in ay xog-wareysteen saraakiisha iyo dhalinyaradda isla markaana ay soo gudbiyeen warbixin dhameystiran.

"Illaa iyo hadda, kiiskaas waxaanu ka qabanay labadaas talaabo oo ah kuwa ugu waaweyn uguna muhiimsan, sidoo kale waxaan jecel-nahay marka uu kiiska soo gabagaboobo oo gungaar la gaaro in aan Insha Allah mushtamaca iyo warbaahinta la wadaagi doono meesha uu ku dhamaado, hadii ku dhamaado ciqaabna sifada sharciga ahayd la marinayo, hadii uu ku dhamaado discipline iyo xeer ciidanna meeshiisii la marin doono," ayuu ku daray.

Raali-gelin

Isagoo sii hadlaya, taliye Cabdi Yarre oo cudurdaar ka bixiyey dhacdadaas ayaa shacabka uga mahadceliyey wadashaqeynta dhow oo ay la leeyihiin booliska, isagoo ku booriyey in ay sii laba jibaaraan.

Kahor inta aan shaqo joojinta lagu sameyn, taliye ku xigeeenkii Booliska gobolka Karkaar, Jaamac Cismaan Qarey, iyo Taliyihii saldhigga Qardho, Cumar Hiirad Kaatun ayaa raaligelin ka bixiyey muuqaalka, 8-dii May.

Kaatun oo meesha ka saarey in muuqaalka ay uga duubeen da'yarta "in ay ku bahdilaan" ayaa ku doodey in ay ka dhiganayeen caddeyn ay tusaan waalidiintooda marka ay yimaadaan saldhigga booliska.

"Dad kale oo moobeelo waaweyn watay oo nala joogay askar ama dad kale ha ahaadeen baa clip-yo kale duubtay kadibna waxay dhigeen baraha bulshadda; wax aan dhalinyaradda ku baqdin gelinayo ayaa laga dhigay wax really oo aan sameyneyno mana ahayn wax really ah," ayuu xusay.

Qarey oo qayb ka ahaa shirka jaraa'id ee cudurdaarka ay ku bixiyeen ayaa xusay in dhalinta ay ku lug-lahaayeen "fal-dambiyeed" isagoo tibaaxay in ay soo xirayaan "cidda duubtay muuqaalka sidda qaldan u baxay".

Dhacdadan sababtay in shaqo joojin lagu sameeyo labadda sarkaal ayaa laga soo wariyey meel 20 KM u jirta bartamaha Qardho, 1-dii June, 2020, waxaana la tilmaamay in dhalinyarada ay goobtaas ku tumanaayeen Qaaci.

MUUQAALKA TALIYAHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM