Sarkaal katirsan Ciidanka Puntland oo lagu dilay Gaalkacyo

Image

GAALKACYO, Soomaaliya - Sarkaal katirsanaa Ciidamada amaanka dowladda Puntland ayaa caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Goob-jooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in rag bastooladu ku hubaysan ay toogasho ku dileen Maxamed Yuusuf Aadan Qaleey, oo sida la sheegay ahaa Taliyaha Keydka hubka magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabo Xero Inji.

Allah ha u naxariistee Taliye Qaleey ayaa waxaa la dilay xilli uu kasoo baxay goobtiisa shaqo kuna sii jeeday Hoygiisa. Dhaawac culus ayaa kasoo gaarey rasaasta jirka qeybaha sare looga dhuftay, taasi oo sababtay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka Sarkaalkan, balse waxaa uu kusoo beegmayaa xili dhawaan Gaalkacyo uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug kuwaasi oo ku diriray Suuqa magaalada.

Gaalkacyo waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo qaar ay aanooyin qabiil ku salaysan yihiin, halka kuwa kalena ay sheegato Kooxda Al Shabaab, ee xariir la leh Al Qaacidda.

Mas'uuliyiinta ayaa dhawaan dib isagu furay wadooyinkii dagaallada ku xirmeen ee magaalada, waxaana hadda laga howlgeliyay ciidamado isku u dhaf ah oo loo xilsaarey amnigeeda inay ilaaliyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM