Sarkaal katirsanaa ciidanka Dekedda Boosaaso oo la dilay

Image

BOOSAASO, Puntland- Sarkaal katirsanaa ciidamada dekedda Boosaaso ayaa caawa fiidkii dablay hubaysan ku toogteen meherad ku taalla xarunta ganacsiga Puntland.

Sarkaalka dhintay oo lagu magacaabi jiray, Xassan Xiir, wuxuuna kamid ahaa ciidamada ilaaliya dekedda magaalada Boosaaso oo dabayaaqada sannadkii hore lagu wareejiyay shirkadda lagu magacaabo PO port.

Dad goob joogayaal ah ayaa ku waramay in dilka ay gaysteen rag dhalinyaro ah kuwaasoo ku hubaysnaa Bastoolado.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dilka kadib mallayshiyadaas ay ka baxsadeen goobta. Ciidamo katirsan kuwa ammaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasoo sameeyay baaritaano ay ku qab-qabteen qaar kamid ah dadkii ka agdhawaa goobta weerarku ka dhacay oo aan sidaas uga fogayn dekedda weyn ee magaalada Boosaaso.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay taliska dekedda Boosaaso iyo maamulka gobolka Bari.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilkaas, waxayna baraha internet-ka ee warkooda fidiya ku daabaceen, in Labo Xidigle Xiir, lagu dilay weerar ay qaadeen mallayshiyaad katirsan ururkan xiriirka la leh Al Qacida.

Al Shabaab ayaa intaas ku dartay inay kor u qaateen weerarada ay ka gaysanayaa gobollada Bari iyo Mudug.

Dilkan ayaa imaanaya xilli shalay qarax ka dhacay wadada xiriirisa Gal-gala iyo Boosaaso qarax lagula eegtay kolonyo katirsan ciidamada Puntland, waxaana weerarkaas ku dhintay sarkaal qaabilsanaa miino furista.

Waa sarkaalkii 2aad ee dhinaca Miino Baarista oo kooxda Al Shabaab ku disho Qarax.

Weeraradan majirto wax war ah oo ilaa hadda ay kasoo saartay xukuumadda Puntland oo hadda muddo xileedkeedii uga haray hal sano.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM