Senator Cabdiraxmaan Faroole: Dalka meel fiican kuma socdo

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, madaxweynihii hore ee dowladda Puntland ahna senator ka tirsan aqalka sare ee DF Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu ka hadlay xaalada guud ee dalka – mid siyaasadeed iyo tan amniba.

Ugu horeyntii, Mudane Faroole, oo kamida Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa daboolka ka qaaday sababta dhabta ah ee keentay khilaafka dowlada dowlada dhexe iyo maamuladda.

Is-mari-waaga labada dhinac oo taagan tan iyo bishii September 2017-kii ayaa wali mid aanan xal laga gaarin, iyada oo lagu eedeeyay xukuumada in ay ka cagajiideyso xal waara oo arrintaasi laga gaaro.

Aqalka Sare oo dastuuriyan wakiil uga ah maamulada dowlada federaalka ayaa isku howley in uu dhameeyo arrinkaan, iyada oo loo saarey Guddi uu madax u yahay Senator Faroole.

Guddiga oo socdaalo kala duwan ku tegay degaanada dowlad goboleedyadda halkaasi soo diyaariyay warbixin ku saabsan tabashooyinka maamulada ayaa u gudbiyay xukuumada "oo ka labalabeynaysa in xal u dhaga nug-laato".

Senator Faroole ayaa shaaca ka qaday mid kamida sababaha keenay khilaafka daxaleystay ay tahay dowlada oo is hor-istaagtay in maamulada ay siiso xubnaha ay ku leeyihiin Guddiga dib u eegista dastuurka qaybyadda ah.

"Khilaafka wali waa uu taagan yahay … waxyaabaha keenayna waxaa kow ka ah dastuurkii la isla qaatay oo aanan sidii la rabay u socon … wax ka hagaagayna ma jiraan … afartii sano ee dowladda harsaneed sanad iyo bilooyin baa ka harsan … wixii ay soo diyaariyeena la isku raaci waa … sababtoo ah dadkii soo diyaarin lahaa baa qayb ka maqan tahay … xubnihii maamulada ka socon lahaa ee Guddiga farsamada ku jiri lahaa ayaa maqan … dowladda ayaa is hor-istaagtay … illaa iyo haddana kuma jiraan ... waxa kaliya ee shaqada gacanta ku hayey waxay ahaayeen Shantii xubnood ee ay dowladdu soo saartay," ayuu yiri Senator-ka.

- Farogelinta doorashooyinka maamuladda –

Laba kamid ah maamulada dalka ka jira oo kala ah; Koonfur Galbeed iyo Puntland ayaa doortay hogaan cusub inta ay jirto xukuumada Farmaajo iyo Khayre, kuwaasi oo gacma-gacmeyn muuqata ku sameeyay doorashooyinkaasi.

Inkasta oo ay ku fashilantay in ay si toos ah saameyn ugu yeelato cod-bixintii Puntland ee uu kusoo baxay madaxwayne Deni, Senator Faroole ayaa bogaadiyay sida Xildhibaanada Puntland ay arrinkaasi uga dhiidhiyeen.

"Waxaa isla qaatay in maamulada aan la farogelin marka ay doorasho ka dhaceyso … illaa iyo haatan meelaha ay wax ka dhaceen Koonfur Galbeed oo farogelintii ka dhacday aad ogaydeen fit-nadii ka dhacday, dhibaatadii ay keentay dadkii ku dhintay iyo dadka xir-xiran … Puntland oo balangaar ah ay ka jirtay oo aan aniga kamid ahaa dadkii korjoogtada ka ahaa ee doonayey in doorasho xaq iyo xalaal ay ay ka dhacdo -- gacmo gelin xoog leh ay ka dhacday oo ay dowladda dhaxe ay sameysay oo lacag xoog leh ay ku bixisay … 21 xubnood oo tartamaayay … aniga ma garan karo inta aan wax la siin … laakiin waxaan is-leeyahay badidooda lacag waxaa lasoo wada siiyay in la carqaladeeyo oo doorasho xalaal aysan kasoo bixin … [balse] nasiib wanaag, dadka halkaan joogo way ka guuleysteen cidday rabeen bayna doorteen," ayuu xusay.

- Doorashada Jubbaland –

Hadalhaynta ugu badan ee siyaasada maamul goboleedyada ayaa ah doorashada Jubbaland, taasi oo qabsoomeysa bisha Agoosto ee sanadkaan, iyadda oo uu jiro heshiis ay kala saxiixdeen hogaamiyaha haatan iyo dowlada dhexe.

Senator Faroole oo sheegay in Aqalka Sare uu dusha kala socday heshiiskaasi ayaa shaaciyay in aysan jirin wax ka dhaqan-galay, ayna Madaxtooyada wali wado farogelinta ayna abaabuleyso olale ka dhan ah Axmed Madoobe.

Isaga oo ka hadlayay shir jaraa'id oo lagu soo dhaweeyay xubnaha Aqalka Sare ku metala Puntland oo maanta tegay Garowe ayuu aas-aasihii Puntland sheegay in wafdiga uu u yimid in arrimahaan soo korodhay ay wadatashi ka yeeshaan.

"Dad badan baa Muqdisho wax ka wada, dowladda dhexe in doorasho xalaal ah ay ka dhaceyo halkaasi [Jubbaland] carqalad bay kawadaa … beesha caalamka way ogtahay … inaga waanu ognahay dadka hadii aysan ogayn hadda ogaadaan … wadanka meel fiican kuma socdo wadatashi baanu u nimid wixii kasoo baxo waadna heli doontaa," ayuu daba dhigay.

- Qodobada kale ee ku jiray warbixinta Guddiga –

Madaxweynihii hore ee Puntland oo tooshka ku ifiyey farogelin toos ah ee dowlada ay ku hayso Goleyaasha xeer-dejinta dalka ayaa ku tilmaamay "kala fur-furitaan la doonayo in Aqalada dalka lagu sameeyo.

Senator-ka oo intaasi raaciyey in Laanta Fulinta ay sidoo kale kasoo horjeedo nidaamka federaalka ah ee uu dalku qaatay ayaa uga digay isagoo xusay in ay tahay wax aan usuurtagaleyn.

"Dalka nidaam federaal buu qaatay, cidii is leh wax baad ka bedali kartaa … waa in uu ogaadaan in uu ku xiran code ay furihii haystaa maamulada iyo Aqalka Sare … lagama bixi karo in lagu dhaqmo mooyee … sidii ahaa haloo qaato … hadii kale iyagoo qabyo ah bay ka tagayaan meesha .. ceebteeda, talo xumadeeda iyo taariikh xumadeeda iyagaa qaadan doona," ayuu hoosta ka xariiqay.

Amniga dalka ayuu xusay in ay ka muujiyeen walaac fara badan, maadaama bilooyinkii lasoo dhaafay ay dhaceen dilal qorsheysan, qaraxyo galaaftay dad badan iyo Al-Shabaab oo degaano horleh qabsatay.

Senator Faroole ayaa wacad ku maray in aysan indhaha ka fiirsan doonin dhibaato lagu sameynayo Dastuurka qaybyadda ah, isla markaana ay warbixin kasoo saari doonan mowqifkooda ku aadan sida ay haatan wax u socdaan.

Ugu dambeyntii, waxa uu si adag u dhaliilay shirkii ugu dambeeyay ee magaalada Garowe ku dhex-maray gudoomiyeyaasha xeer-dejinta dalka, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyey Golaha Shacabka federaalka ah.

"NGO baa wax kusoo siiyay … maxaa naga galay inaga hadaannu nahay Aqalada … wixii lasoo dhisayay baa la kala furfurayaa oo ganacsi laga eeganayaa … afhayeenada maamualda ha eegaan waxa ku qoron dastuurkooda … madaxwayneyaashooda waxaynu ka war-qabin ma sameyn karaan … hadii aysan aqoonin dasturkooda [aqoon-karorsi ha u fureen] inaga hadayno nahay Puntland diyaar baanu u nahay," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Senartor Faroole.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM