Senator Faroole oo sheegay inay qalad tahay in Gaas uu isasa soo sharxo [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Madaxwaynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole, oo maanta Shir jaraa'id ku qabtey hoygiisa magaalada Garowe, ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ku xeeran doorashada Puntland ee 8-da January 2019.

Senator Faroole ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada ku qabsoonto jawi xasiloon isagoo Xildhibaanada cusub ee Gollaha Wakiiladda ugu baaqay inay codkooda ugu hiiliyaan Puntland, oo ay doortaan hogaamiye ka samata-bixin kara xaaladda uu geliyay Cabdiweli Gaas shantii sano ee uu gursiga ku fadhiyay.

Xubnaha Baarlamaanka cusub ee imaanaya ayuu Faroole ku booriyay inay ka fogadaan wax kasta oo khilaaf iyo kala qeybsanaan keeni kara, isagoo uga digay inay lamid noqdaan Xildhibaanadii ka horeeyay ee uu khilaafka hareeyay.

"Waa talo idin kaga timid Oday waayo arag oo aad idinka doorateen, oo idin kugu metala Federaalka…Hadii gudoon fiican uu soo baxo, waxaa soo baxay Guddi doorasho oo wanaagsan oo Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka doorta,” ayuu Faroole yiri.

"Hadii ay wax ka xumaadaan nidaamka soo xulista Xildhibaanada iyo doorashada gudoonka waxaa mas’uul ka ah intii qaybta ka ahayd…Madaxwaynaha [Gaas] ugu horeeyo, Gudoonka soo socda iyo Xildhibaanada,” ayuu Faroole hadalkiisa raaciyay.

Mudane Faroole, ayaa ugu baaqey Musharax Cabdiweli Gaas inuu faragelinta ka joojiyo doorashada, islamarkaana Guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo Anisixinta Gollaha Wakiiladda u madax-banaaneeyo howshiisa, si natiijada u noqoto mid dadkoo dhan ku qancaan.

“Aniga ma filaynin inuu Musharax noqon doono, sababta oo marar badan ayuu ku cel-celiyay in uusan dib dambe isku soo taageynin,” ayuu Faroole yiri intii lagu guda jiray Shirkiisa Jaraa'id ee uu ku qabtey Garowe.

Senator Faroole ayaa sheegay in maamulka Gaas uu ku fashilmay fulinta balanqaayadii uu sameeyay 2014, gaar ahaan dhinacyadda dhaqaalaha, ganacsiga, amniga, siyaasada iyo arrimaha Bulshadda.

"Yaa islahaa Madaxwaynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka ayaa makiinad ay lacago ku sameystaan keensanaya oo ay ku bililiaqeysanayaan dadka danyarta ah…Yaa lagula xisaabtamayaa sare u kaca sarifka? Ma ninkii sheeganayey boqolka shahaado, ee Shanta sano halkaan fadhiyay…Ilaahey wuxuu kula xisaabtamayaa dadkii madaxda ka ahaa…Waa inay ogaadaan in aanan loo dhaafeyn dambiga ay galeen…dadka doonaya inay Gudoomiye Baarlamaan noqdaan, dib looma dooran karo…wixii Ilaahey ka baqaya, ayaa dadkooda ka xishoonaya,” ayuu Faroole hadalkiisa ku daray.

Senator Farole ayaa sidoo kale xusay in Gaas uu burburiyay cududii Puntland ee uu ku wareejiyay Shan sano ka hor,  "Gaas isaga ayaa afkiisa ka qirtay in markii aan xilka ku wareejinayay aan ku wareejiyay dowladda dhameystiran, balse maanta lama hayo…Su’aashu waxay tahay, muxuu wareejinayaa?...Saadaasha aan hayo, maba soo laabanayeen,” ayuu yiri Faroole.

- Khilaafka maamulada iyo DFS –

Senator Farole oo madax u ahaa Guddi uu Aqalka Sare u xil-saarey xalinta khilaafka siyaasadeed ee dowlada dhexe iyo maamulada xubnaha ka ah ayaa tibaaxay in dowlad goboleedyada ay gor-gortan dhaqaale kula jireen xukuumada Soomaaliya, halka sida uu xusay ay jaahwareeriyeen shacabka.

Waxuu sheegay in hadafka ugu wayn oo ay isku baheysteen ay ahayd sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen kuraasta, iyo inay ka helaan dowladda dhaqaalo ay ku galaan doorashooyin, taasi oo ay ku hun-goobeen.

“Arrinta khilaafka, gaar ahaan dhinaca Puntland kuma dhisneyn khilaaf rasmi ah ama daacad ah…waxay ku dhisneyd dukaameysi dhaqaale oo [dowladii Xasan Sheekh lagu qabay] iyo madal lagu go’aaminayay [howlihii] uu Gollaha shacabku lahaa, marka cidna idin-ma maqnee shacabka isoo doortow ka tashada, meeshaan ganacsi baa yaallee, ee ma yaallaa dowlad iyo maamul,” ayuu yiri Faroole.

Ugu dambeyntii, Madaxwaynihii hore ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, ayaa usoo jeediyay Cabdiweli Gaas inuu isaga haro tartanka doorashadda, maadaama uu tiro saddex jeer ah oo meel-fagaare ah ka sheegay in hadii uu qaban-waayo doorasho qof iyo cod ah, uusan damac dib u doorasho geli doonin.

"Miyaadan is-maqlaynin oo aadan [Dhego lahayn? Dadkii ku dhageysanayay inaga ayaa kamid ah…Ilaaheyna wuu ku maqlayay, [keydkana way kugu jirtaa],” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Madaxwaynihii hore ee Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole.

Hadalka senator Faroole ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay ku jirto xaalad kala-guur ah, oo doorashooyinka Baarlamaaniga iyo midka Madaxweyne, iyadoo Xukuumadda walaac laga muujiyay inay mugdi geliso mustaqbaalka maamulkan 20 jirsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM