Shacabka Garowe ka banaanbaxay nidaamka 4.5

Image

18 December, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Garowe ka dhacay banaanbax looga soo horjeedo nidaamka wax ku qaybsiga beelaha 4.5, kaasoo dhigeen shacabka ku nool caasumadda oo iskood isu soo abaabulay.

Dibadbaxan, ayaa lagu muujiyay sida dadka Puntland uga xunyihiinka habka qabaliga ah in lagu saleeyo doorashada la filayo in dalka Somalia ka dhacdo sannadka 2016.

Waxay shacabku dhaliil u soo jeediyeen dowladda Federalka, Egayga Qaramada Midoobay u jooga Somalia danjire Nichlos Kay, waxayna ugu baaqeen inay faragalinta ka daayaan rabitaanka shacabka. Dadka qaybtiis ayaa Madaxweynaha Somalia ku eedeeyay ku lug lahaanshaha dagaalada ka dhacay Galkacyo iyo Shabeellooyinka.

Madaxda Puntland ayay ugu baaqeen inaysan qaadan habkaasi oo looga gudbay shirar ka dhacay Garowe, waxayna kula taliyeen inay qaataan habka deegaanka in lagu soo xulo Xildhibaanada.

Banaanbaxan ayaa daba jooga kuwa kale oo ka dhacay magaalooyinka Puntland qaybtood. Shacabka ayaa cabsi weyn ka qaba in dib loogu laabto 4.5, kaaso ay ku sifeeyeen in laga dhaxlay dhibaatooyin weyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM